Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sixid Eedaha Ururada Saxaafadda qaarkood u soo jeediyeen Dawladda Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye oo ka hadlay wax-qabadka Dowladda intii ay jirtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu horeyn Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku DFS ah waxay mar labaad u diraysaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed hambalyo ku aadan 03 May maalinta Saxaafadda Aduunka, waxay fadliga Bishan Barakaysan ee Ramadaan u rajaynaysaa kheyr iyo Barwaaqo.

Intaas ka dib, isla xuskii shalay ee 3 May, kulamo ay yeesheen qaar ka mid ah ururada Suxufiyiinta waxay eed inteeda badan aanay waxba ka jirin u soo jeediyeen Dawladda Soomaaliya oo siyaasad ahaan iyo shuruuc ahaan u taagan ilaalinta xornimada Saxaafadda, Xoriyatul qawlka iyo u sahlida Suxufiyiinta xogta Dawladda.

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026

Wasaarad ahaan waxaa qiraynaa in Suxufiyiinta Soomaaliyeed ku shaqeeyaan duruuf adag. Sida ay sheegeena ay kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab kala kulmaan dil, handadaad iyo Cabudhin, dhibtaas oo aanay Argagixisadu ku hayn Suxufiyiinta oo keliya ee ay sidoo kale ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo xataa masuuliyiinta Dawlada maadaama ay yihiin cadow calaami ah oo aan cidna u tudhayn.

Dawladdda Soomaaliya waxay ka xuntahay, isla markaana cambaaraynaysaa nooc kasta oo xadgudub ah oo loo geysto xoriyada Saxaafadda iyo suxufiyiinta ku shaqeynaya qaab waafaqsan xirfada Saxaafadda iyo shuruucda dalka, Dawladda waxay diyaar u tahay in ay gacan buuxda ka geysato oo kala shaqeyso ururada Suxufiyiinta sidii loo hagaajin lahaa duruufaha ay ku shaqeeyaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo madaxbanaanida Saxaafadda, taasoo aanay danni ugu jirin Suxufiyiinta oo kaliya ee sidoo kale ay dani ugu jirto dib u dhiska Qarannimada iyo kobaca Dimuqraadiyadda Soomaaliya ee curdinka ah.

Dawladda Soomaaliya waa Dawlad ku dhisan oo aaminsan sareynta sharciga, waxay si buuxda ugu hogaansan tahay Dastuurka iyo Shuruucda kale dalka oo dhamaantood damaanad qaadaya Madax banaanida Saxaafada iyo xoriyatul qowlka, iyo sidoo kala xeerarka iyo qaraarada caalamiga ah ee aanu qaybta ka nahay. Dhamaan hay’adaha Dawladda ee xidhiidhka la leh shaqada suxufiyiinta sida Booliska waxay ku amran yihiin ilaalinta xoriyada, madax banaanida iyo nabadgelyada Suxifiyiinta. Hase yeeshee maadaama dalku ka soo kabanayo burbur iyo nidaam xumo mudo dheer soo jirtay, isla markaana dagaal lagula jiro Argagixiso ku imaanaysa weji kasta oo ay waxyeelo ku geysan karto, waxaa mararka qaarkood dhici kara in Ciidamada nadabgelyadu hakiyaan Suxufiyiinta iyadoo ka taxadaraya badbaadada naftooda, mida ciidanka Booliska iyo shacabka.

Hadaba, eedaymaha ay ururada Suxufiyiinta qaarkood u jeediyeen Dawladda waa ku aan ku dhisnayn xaqiiqda dhabta ah ee Soomaaliya ka jirta, waa kuwo aan awood u lahayn in ay eedeeyaan cidda dilaysa weriyayaasha ama cabudhinaysa oo ah Argagixsada Alshabaab, waa kuwo aan marna xusin daruufta adag ee ay ku shaqeeyaan Ciidamada Nabadgelyadu iyo taageerada joogtada ah ee ay Ciidamadu maalin kasta siiyaan Suxufiyiinta si ay u gutaan waajibaadkooda,

Wasaaraddu markii ay u kuurgashay Cabashada iyo Eedaymaha waxaa u muuqatay in arrimaha qaar laga badbadiyey, Tusaale ahaan, Ururada hadlay waxay xuseen in Sanadkii tagay uu ahaa sanad u xun Suxufiyiinta mana sameyn wax is barbardhig ah, waxay sheegeen in loo diiday in ay helaan xogta ay u baahan yihiin iyagoo tusaale usoo qaatay xilligan uu jiro cudurka covid19 in aanay Dawladdu siinin xogtii ay u baahnaayeen, hase yeeshee la ogyahay in maalin kasta 5ta Galabnimo ay masuuliyiinta sarsare ee Dawladdu qabtaan shir jaraa’id oo u fasaxan in Suxufi kastaa yimaado, su’aashu uu qabano weydiiyo masuuliyiinta. Dawlad ahaan waxaanu aaminsan nahay in xoriyada Saxaafadda iyo suxufiyo kortay in ay jirtay Dawladda Nabad iyo Nolol marka la barbardhigo sanadihii ka horeeyey.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Warfaafintu waxay si gaar ah u dhiirigalinaysaa doorka Xirfadlayda Saxaafadeed ee maalinkasta utaagan quudinta dhagaha iyo indhaha Shacabka Soomaaliyeed. Wasaaraddu waxay soo dhowaynaysaa abuurista jawi wanaagsan oo u sahla Saxafiyiinta in ay si hufan u gutaan shaqadooda, iyadoo u aragta lagama maarmaan dhamaystirka Sharciga Saxaafadda iyo dhismaha Gudiga Warbaahinta Soomaaliyeed oo fure u ah helista nidaam lagu wada shaqeeyo oo ilaaliya Madax Banaanida Saxaafadda iyo suxufiga.

Wasaaraddu waxay u aragtaa in qaar ka mid ah fariimaha ay direen ururada hadlay ee Saxaafadeed aanay ku socon Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeeed, maadaama aanay haba yaraatee jirin hal codsi ama cabasho oo si toos ah Ururada Saxaafadu ugu soo gudbiyeen Wasaaradda ama hay’adaha kale ee Dawladda. Wasaaradu waxay u soo jeedinaysaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay ka dheeraadaan in loo isticmaalo ujeedooyin ka baxsan Xirfadooda oo aanay ku milmin aragtiyada Siyaasadeed oo kala duwan, taasoo ah wax aan u wanaagsanayn xirfadooda iyo ku kalsoonaanta suxufiyiinta.

Halkan kala deg lifaaqa War-saxaafadeedka 

Jawaab Eedeyn

Previous Post

Xarunta Degmada Xamar Jajab oo dib u dhis Balaaran lagu sameynayo+Sawirro

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Diiwaan Gelisay Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka Oo Diiwaan Gelisay Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah “SAWIRRO”

Wasaaradda Caafimaadka Oo Diiwaan Gelisay Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah “SAWIRRO”

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026
0

Safiirka JF Soomaaliya ee dalka Yemen Danjire Cabdixakiim Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka...

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In