Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soo Dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo ka socoto magaalada Marka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Soo Dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo ka socoto magaalada Marka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ka socoto qaban qaabada lagu soo dhaweynayo Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku wajahan magaalada Marka.

Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Marka ayaa iminka soo buux dhaafiyay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, kuwaasi oo sita sawirada Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Cali Cumar Jubba ayaa ku soo waramay in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre uu ka midyahay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Nabadgelyada ayaa si aad ah u xoojiyay amniga magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana shacabka iyo maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ay qorsheeyeen in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay dadweynaha kula hadlaan Barxadda Minishiibiyada ee magaalada Marka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Reer Koonfur Galbeed Ku Ammaanay Isku Midnimada iyo Dowlad Jaceylka “SAWIRRO”

Next Post

Qarax miino oo mas’uuliyiin ay ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo Jowhar Dib ugu laabtay

Qarax miino oo mas'uuliyiin ay ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In