Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka amniga taas oo xoojineysa xariirka soo jireeenka ah ee labada dowladood sidoo kalena dhiseysa dadaal wadajir ah oo dhanka amniga ah.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa heshiiska u saxiixay Soomaaliya, halka dhinaca Sucuudigana uu u saxiixay Wasiirka arrimaha gudaha Boqortooyada Sucuudiga.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad weyn u leeyahay wax weynna ka tarayo iskaashiga amni ee labada dal.