Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Chad Mahamat Zene Cherif.
Wasiirada ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka labada dal ee Soomaaliya Chad, iyadoo is weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan dib u habeynta Midowga Afrika.