Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka oo shir muhiim ah uga furmay Nairobi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka oo shir muhiim ah uga furmay Nairobi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo uu weyhiyo Wasiirka Wasaaardda Qorsheynta Qaranka iyo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta daah-furay shirka dib-u-habeynta Maaliyadda ee Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF, shirkaas oo socon doona muddo todobaad ah.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa dib-u-eegis lagu sameynayaa wixii horumar maaliyadeed ah ee u qabsoomay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo muddo Sadex bilood ka hor laga cafiyay deymihii cuuryaamiyay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. Qodobada ugu muhiimsan ee laga wadahadlayo ayaa ah sare u qadidda dakhliga Dowladda, hannaanka Maamul-Wanagga Maaliyadda iyo horumarinta Barnaamijka Qorshaha Qaranka.

Related posts

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaankii Shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya ay u qabsoomeen qodobo la taaban karo oo ay ugu horeeyaan horumarinta ilaha dakhliga Dowladda oo dadaal dheer ay galisay Wasaaradda Maaliyadda oo kaashanaysa Wasaaradaha Dowlad-Goboleedyada Dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa u mahadceliyay dhammaan hey’adaha ka soo qeybgalay kulankaan oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Cadaaladda, Bangiga dhexe, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo IMF iyo Bangiga Adduunka. gabagabada shirka ayaa la filayaa in la soo saaro War-murtiyeed ka hadlaya horumarka Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya Sadexdii bilood ee la soo dhaafay kadib gaaristii barta kama dambeysta deyn cafinta.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Next Post

Boliiska iyo Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga Caasimadda

Next Post
Boliiska iyo Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga Caasimadda

Boliiska iyo Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga Caasimadda

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In