Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Ireland oo ka wada hadlay taageerada amniga iyo wax wadaagga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Ireland oo ka wada hadlay taageerada amniga iyo wax wadaagga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku qaabilay maanta oo Khamiis ah Gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho, wafdi Ireland oo booqasho ku yimid dalka oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Simon Coveney.

Booqashada Wafdiga Ireland ku yimid dalka ayaa ka tarjumaysa xoojinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah. Wafdiga ayaa kulamo la kala yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Xasan Xuseen Xaaji, iyo Ra’iisul wasaaraha, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Related posts

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026
Hay’adda Socdaalka oo soo saartay digniin adag

Hay’adda Socdaalka oo soo saartay digniin adag

January 8, 2026

Kulanka labo dhinaclaha ah, ayaa looga dooday dhowr arrimood oo xiriirka ku qotoma, oo ay ku jirto doorashooyinka baarlamaaniga iyo midka madaxtinimo ee Soomaaliya, iskaashiga dhinacyo kala duwan oo ay ka mid tahay ololaha Soomaaliya ee xubnaha Golaha amniga si guud ahaan dalka looga qaado cunaqabataynta hubka ee lagu soo rogay 23 Janaayo, 1992, taageerada amniga iyo howlgalka AMISOM.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray deegaanka Bacaadweyne “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan casho ah la qaatay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan casho ah la qaatay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal

Ra'iisul Wasaare Rooble oo kulan casho ah la qaatay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda....

Hay’adda Socdaalka oo soo saartay digniin adag

Hay’adda Socdaalka oo soo saartay digniin adag

January 8, 2026
0

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saartay isticmaalka aan la ogolayn ee hawada Soomaaliya...

Wasiirka Arrimaha dibedda Masar iyo Xoghayaha Guud ee QM oo ka hadlay midnimada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha dibedda Masar iyo Xoghayaha Guud ee QM oo ka hadlay midnimada Soomaaliya

January 8, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Cabdulcaati iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres oo qadka taleefanka ku...

Taliyaha ciidanka Booliska oo guddoomiyey shirka taliyeyaasha

Taliyaha ciidanka Booliska oo guddoomiyey shirka taliyeyaasha

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto, Asad Cismaan Cabdullahi ayaa shir guddoomiyay Shirka Taliyaasha Hoggaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa Banaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In