Saturday, March 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay dhameystirka heshiiskii Ankara

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay dhameystirka heshiiskii Ankara
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa maanta kulan laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Danjire Mesganu Arega.

Intii uu socday kulanka, labada Wasiir waxay markale xaqiijiyeen go’aankooda ku aaddan in la xoojiyo wadahadalka iyo xiriirka shaqo ee labada dal, iyagoo sidoo ballanqaaday ilaalinta madax bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalalkooda.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026

Wadahadalka ayaa la qabtay iyada oo lagu salaynayo Baaqa Ankara ee 11-kii Diseembar 2024, iyo qaab dhismeedka fulinta qodobadiisa.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Balcad ayaa muujiyay dareenka cabashada iyo cambaareynta ficillada Ciidanka Itoobiya ee ka dhacay Doolow ee gobolka Gedo.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arega Dhankiisa ayaa ka jawaabay isagoo muujiyay sida ay dowladda Itoobiya diyaar ugu tahay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dhacdadaas, wuxuuna xaqiijiyay rabitaankooda ah inay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya,si looga hortago dhacdooyin kale mustaqbalka.

Qodobada kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, iyada oo lala dagaallamayo argagixisada, iyo sidoo kale xoojinta xiriirka labada dal si la isku waafajiyo dadaallada hirgelinta buuxda ee Baaqa Ankara, kaas oo ah tallaabo wanaagsan oo lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeya labada dal tan iyo Janaayo 2024.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qeybgalay kulan diimeed ka socda Nairobi

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo soo dhaweysay muwaadiniin dalkooda lagu soo celiyay

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo soo dhaweysay muwaadiniin dalkooda lagu soo celiyay

Guddoomiyaha Hay'adda Qaxootiga oo soo dhaweysay muwaadiniin dalkooda lagu soo celiyay

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In