Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Marooko oo iska kaashanaya horumarinta Sportiga iyo dhallinyarada

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Marooko oo iska kaashanaya horumarinta Sportiga iyo dhallinyarada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil, Maxamed Barre Maxamuud oo ka qaybgalaya shirka Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee Qaaradda Afrika ayaa kulan doceed ( Sideline Meeting) la yeeshay dhiggiisa Marooko Mudane Maxamed Al-Mahdi bin Saciid.

Labada Wasiir ayaa kulankooda diirradda ku saarnay Iskaashi dhex-mara labada wasaaradood gaar ahaan sidii Boqortooyada Marooko ay Soomaaliya uga taageeri lahayd horumarinta garoomada ciyaaraha iyo xarumo farsamada gacanta iyo xirfadaha gaagaaban lagu baro dhallinyarada Soomaaliyeed.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Labada wasiir ayaa ku heshiiyay inay koox farsamo ah u saaraan sidii loo soo diyaarin lahaa heshiis is-afgarad oo labada wasiir ay kala saxiixdaan si loo diiwaangeliyo heshiiska labada dowladood oo loo marsiiyo hay’adaha sharciga u leh ee labada dal.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa dadaalo badan ku bixiyay sidi dhallinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen garoomo ku filan oo casri ah iyo goobo lagu tababaro si loo yareeyo shaqo la’aanta dhallinyaradu Soomaaliyeed, waxaana wasaaradda sanadkan u qorshaysan inay tababarto shan kun oo dhallinyaro ah oo la barayo xirfado gaagaaban.

Previous Post

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga

Next Post

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo saxiixay heshiis muhiim ah

Next Post
Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo saxiixay heshiis muhiim ah

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo saxiixay heshiis muhiim ah

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In