Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Masar oo iska kaashanaya dhinacyada gargaarka bani’aadannimo+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Masar oo iska kaashanaya dhinacyada gargaarka bani’aadannimo+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo safiirka dawladda Masar u jooga Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen waxa ay uga wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca gargaarka.

Kulanka labada dhinac ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Gargaarka ayey labada dhinac muujiyeen sida ay muhiimka u tahay in la iska kaashado xaaladaha adag ee u baahan iskaashiga

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026

“Waa ku faraxsanahay in markii ugu horreysay ee aan xafiiskayga imid aan kulankayga 1-aad la yeesho safiirka Masar, waxaan sidoo kale ku faraxsanahay in kulankan uu ku soo aaday iyada oo deeq ka timid Masar ay soo gaartay Dalka, aad ayey u mahadsanyihiin shacabka iyo Dowladda Masar” ayey tiri Marwo Khadiija

Dhinaca kale safiirka Dowladda Masar u jooga Soomaaliya Maxamed Nasir ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya ay la leeyihiin uu ahmiyad wayn u leeyahay, ayna ku faraxsanyihiin inay noqdaan masuuliyiintii ugu horraysay oo heer matalaad dawladeed ah ee ay wasiirku ku qaabisho xafiiskeeda.

“Waa ku faraxsanahay in aan noqday Diblomaasigi ugu horreeyay ee ay qaabisho Wasaaradda, waxaan kale oo ku faraxsanahay in aan aniga oo matalaya Dowladda Masar aan dhawaan wareejiyo deeq gaareysa 40 ton oo gargaar bani’aadannimo ah, waxayna deeqdani noqoneysaa qeyb kamid ah taageero ballaaran oo Masar ugu tala gashay Soomaaliya”. Ayuu Yiri Maxamed Nasir oo ah Safiirka Dalka Masar u fadhiya Soomaaliya.

Dhawaan ayaa la filayaa in Wasaaradda kala wareegto Dowladda Masar deeq gargaar bani’aadannimo ah oo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka u baahan.

Tags: Masar iyo Soomaaliya oo iska kaashanaya dhinacyada gargaarka bani’aadannimo iyo Maareynta Musiibooyinka
Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe+Sawiro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhagayso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasimayaal, khubaro...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa....

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

January 20, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xarun cusub ka hirgelisay Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika. Munaasabadda oo...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

January 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha Ururka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In