Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Sweden oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo xiriirka “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Sweden oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo xiriirka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku saxiixay Muqdisho xalay fiidkii oo Axad ahayd ( 1 December) heshiis is-afgarad Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Staffan Tillander, diblomaasiyiin Soomaali iyo Sweden.
Agaasimaha guud ee FBA Mudane Sven-Eric Söder ayaa saxiixay heshiiska oo sare loogu qaadayo wax wadaag istiraatiijiyadeed dhinacyo badan leh oo u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.
Wax wadaaggan ayaa waxa uu ka qeyb-qaadanayaa xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee muhiimadda u leh labada dal, kaasi oo ka tarjumaya rabitaanka guud ee hore loogu dhaqaajinayo xiriirka laba-geesoodka oo lagu gaarsiinayo heerkiisii ugu sarreeyay.
Heshiiska waxa uu qeexayaa in Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) ay ku qabato dalka Soomaaliya tababarro iyo barnaamijyo cilmi-baaris , iyadoo ka wakiil ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, waxaana tababarada siyaasadeed, diblomaasiyadeed, nabad-dhisid iyo xalinta khilaafaatka loo qoon-deeyay in la siiyo kaadiriinta ka shaqaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hey’adaha kale ee dowladda.
Previous Post

Ciidamada Xoogga dalka oo khaarijiyay Horjoogeyaal ka tirsanaa Al-shabaab

Next Post

Turkey says new Russian missile deal to happen before too long: RIA

Next Post
Turkey says new Russian missile deal to happen before too long: RIA

Turkey says new Russian missile deal to happen before too long: RIA

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In