Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiisyo ganacsi kala saxiixday

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiisyo ganacsi kala saxiixday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis wax is dhaafsi oo dhinacyo badan leh, markii uu halkaasi ka furmay shirka is kaashiga Ganacsiga ee labada Dal.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guleed (Khadar)  iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa dowladda Turkiga u bandhigay fursadaha Ganacsi iyo kuwa wax is dhaafsi ee jira dalka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa dhiggiisa Turkiga la wadaagay sidii loo dardar gelin lahaa heshiiskan iyo sidii looga miro dhalin lahaa waxyaabaha ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Heshiiskan oo ah midkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ay labada dowladood kala saxiixdaan ayaa waxaa  goob joog ka ahaa mas’uuliyiin Labada dowladood ka kala tirsan, waxayna dhinacyadu isla garteen in sida ugu dhow loo hirgeliyo qodobada lagu heshiiyay.

Heshiiskan iskaashi ayaa dhigaya in Soomaaliya suuq ku yeelato Turkiga, si ganacsiga Soomaaliya loo gaarsiiyo Yurub iyo Asia, Turkiga ayaa iyaguna qaadan dona Khayraadka dalkeenna, sida Kalluunka, dalagga Beeraha iyo xoolaha.

Heshiiskan oo ah mid Taariikhi ah ayaa waxaa ugu dambeyntii qalinka ku wada duugay labada Ra’iisul wasaare ku-xigeen ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxayna tallaabadani fursad weyn u noqon doonta Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

 

 

Previous Post

Wafuud hore dhac u ah Wafdiga Madaxweynaha oo gaaray Gaalkacyo

Next Post

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo Ciidanka Xoogga isku soo dhiibay

Next Post
Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo Ciidanka Xoogga isku soo dhiibay

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo Ciidanka Xoogga isku soo dhiibay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In