Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiiska la dagaallanka maalgelinta argagixisada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiiska la dagaallanka maalgelinta argagixisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Sirdoonka Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Turkiga (MASAK) iyo Xarunta Warbixinada Maaliyadda Financial Reporting Center (FRC) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Ankara ku kala saxiixday heshiis is faham wada shaqeyn dhex mara hay’addaha sirdoonka Maaliyadadeed ee labada dal.

Heshiiskan ayaa looga gol-lahaa adkeeynta xiriirka saaxibtinimo iyo wada shaqeynta labada dowladood walaalaha ah iyo in ay iska kaashadaan ka-hortaga dembiyada Maaliyadda la xiriirta, lacag dhaqida iyo la-dagaalanka maalgalinta argagixisada (Anti-money laundering and combating the financing of terrorism (AML/CFT).

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Unugyada Sirdoonka Maaliyadda ee labada dal, ayaa iska kaashan doona si waafaqsan sharciga ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada ee dalalkooda, ururinta, horumarinta, falanqeynta macluumaadka iyo xogaha la xiriira dembiyada maaliyadda ee ka dhaca laba dal, sidoo kale labada dal ayaa isweydaarsan doona khibradaha iyo waaya aragnimada la xiriira la-dagaallanka dembiyada maaliyadda gaar ahaan ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada, heshiiskan ayaa sare u qaadaya isla markaana xoojinaya talaabooyinka iyo qorshayaasha ka-hortaga dhammaan dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal.

Labada hay’addood ayaa si xor ah isugu dhaafsan doona macluumaadka iyo xogaha iyada oo la raacayo mabaadii’da Isweydaarsiga macluumaadka ee u dhexeeya Hay’adaha Sirdoonka Maaliyadda iyo kan caalamiga ah, ayna ku jirto is-weydaarsiga warbixinada dhaq-dhaqaaqyada shakiyada leh Suspicious Transaction Reports (STRs) iyo xogaha kale ee khuseeya si loo aqoonsado loola dagaallamo dambiyada maaliyadeed, ayada oo loo hogaansamayo sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.

Xarunta Warbixinada Maaliyadda (XWM) iyo hay’adda sirdoonka maaliyadda ee Jamhuudriyadda Turkiga ayaa dhisidoona awoodooda, waxayna ka qayb qaadanayaan barnaamijyo tababar wadajir ah, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo dadaallo kale si loo dhiso awoodda loona horumariyo xirfadaha shaqaalaha hay’addaha sirdoon ee labada dal.

Heshiiskan ayaa muhiim u ah ilaalinta shabakadaha sirdoonka maaliyadeed ee xoojinta xiriirka hanaanka la-dagaallanka dembiyada maaliyadeed, nabadgalyada iyo sare u qaadista kobaca dhaqaalaha ee labada dal.

Munasabada lagu kala saxiixanayey heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Danjire Fadxudin, Agaasimaha xarunta warbixinnada maaliyadda Marwo Aamina Maxamed Cali iyo Agaasimaha hay’adda sirdoonka maaliyadda Turkiga Mr. Hassan KEYMAK.



Previous Post

Wasiika Deegaanka oo hadal muhiim ah ka jeedisay kulan ka dhacay New York

Next Post

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Azerbaijan

Next Post
Wasiirka difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Azerbaijan

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Azerbaijan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In