Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Soomaaliya iyo Turkiya oo Kala Saxiixday Heshiisyo Dhanka Horumarinta iyo Dhaqanka ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka, Xulashada
0
Soomaaliya iyo Turkiya oo Kala Saxiixday Heshiisyo Dhanka Horumarinta iyo Dhaqanka ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ankara, 26 Abriil 2017- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi Mudane Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada ee Ankara, isaga oo salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka dalka Turkiga, waxaana loo riday 21 madfac.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026

Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay dhammaan qodobadii ay isla soo qaadeen oo ay kamid ahaayeen amniga, dhaqaalaha, horumarinta, maalgelinta waxbarshada, is weydaarsiga hiddaha iyo dhaqanka iyo shirka Soomaaliya ee London oo ay dowladda Turkiya kasoo qeybgali doonto.

Madaxweyne Erdogan ayaa uga mahaceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Shacabka Soomaaliyeed taageeradii ay u muujiyeen kadib afgambigii dhicisoobay. Waxaa uu intaas ku daray in dowladda Turkiya ay mar walba taageero walaaltinimo la garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiiisa uga mahadceliyay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiya soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa iyo taageerada joogtada ah ee ay dowladda Turkiya siiso Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiya ayaa kala saxiixday heshiisyo is afgarad ah oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha iyo isweydaarsiga hiddaha iyo dhaqanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa dhankeeda u saxiixay heshiiyada Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, halka Jamhuuriyadda Turkiya uu u saxiixay Wasiirka Horumarinta Mudane Lutfi Elvan.

Previous Post

Guddi Saraakiil ah oo tababari doono ciidan boolis oo uu yeesho Maamulka Hirshabeelle

Next Post

Madaxweynaha Turkiga oo ballan qaadday in uu sii waadi doono taageerada uu siinayo Soomaaliya

Next Post
Soomaaliya iyo Turkiya oo Kala Saxiixday Heshiisyo Dhanka Horumarinta iyo Dhaqanka ah “SAWIRRO”

Madaxweynaha Turkiga oo ballan qaadday in uu sii waadi doono taageerada uu siinayo Soomaaliya

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In