Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo agab caafimaad ka heshay Turkiga si looga hortago faafidda xanuunka Koroona feyrus “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo agab caafimaad ka heshay Turkiga si looga hortago faafidda xanuunka Koroona feyrus “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta oo Sabti ah guddoontay shixnad kaalmo caafimaad oo ka timid Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Turkiga si looga hortago xanuunka Koroona feyrus, lana xakameeyo faafiddiisa.

Safiirka Turkiga, Mudane Mehmet Yılmaz, ayaa wareejiyay kaalmada agabka caafimaad oo ay ku jiraan maaskaro , galoofyada ilaalinta leh, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, dharka isku-joogga ilaalinta leh ee loogu talogalay xirfadlayaasha caafimaadka iyo qalabka baaridda-caafimaad, waxa kale ka mid ah qalabka neef-siinta (ventilators) oo qeybta daryeelka degdegga ah ee Isbitaalka De Martino ee Muqdisho uu aad ugu baahnaa.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga taageeradooda iyo garab-istaagooda Soomaaliya, isagoo aad u bogaadiyay kaalinta howsha bani’aadannimo ee weyn ee dunida ay ka geysanayaan xilligan oo dalalka intooda badan ay wajahayaan xanuunka dilaaga ah ee faafa ee Koroona feyrus.

Kaalmada caafimaad ee Turkiga oo huwanayd halkudhigga “rajo xumada waxaa ka dambeeya yididiilo weyn , mugdigana waxaa ka dambeeya qorax iftiin badan” ayaa ah nooceedii labaad oo muddo labo todobaad gudahooda lagu soo gaarsiiyo Soomaaliya, iyadoo la filayo in maalmo kadib Caasimadda Muqdisho ay ka degato diyaarad weyn oo sida sariiraha isbitaallada.

Turkiga waxa uu deeq caafimaad siiyay 33 dowladood oo uu ku gaarsiiyay diyaaradihiisa milatari ee xamuulka si looga hortago cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 601 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 31 ruux oo bogsatay iyo 28 ruux oo u geeriyootay.

Munaasabadda lagu guddoomayay kaalamada caafimaad ee Turkiga ayaa waxaa goob-joog ka kala ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Mudane Xamsa Saciid Xamsa iyo Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji.

Previous Post

Wacyigelingta bulshada ee COVID-19 oo lagu qabtay Xudur “SAWIRRO”

Next Post

Wasiir Beyle oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay ka hortagga caqabadaha dhaqaale ee COVID-19

Next Post
Wasiir Beyle oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay ka hortagga caqabadaha dhaqaale ee COVID-19

Wasiir Beyle oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay ka hortagga caqabadaha dhaqaale ee COVID-19

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In