Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo dadaal ku bixineysa Teknoolajiyad loo simanyahay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo dadaal ku bixineysa Teknoolajiyad loo simanyahay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macallin oo ku sugan Geneva, Switzerland, ayaa ka qeybgalay dood heer sare ah oo ka tirsan shir-sanadeedka ๐—ช๐—ฆ๐—œ๐—ฆ+๐Ÿฎ๐Ÿฌ cinwaankeedu ahaa:

โ€œDardar-gelinta Helitaanka Caalamiga ah ee Macluumaadka iyo Aqoonta Xilligan Dijitaalka ahโ€,

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Wasiirka oo si qoto dheer ugu faaqiday hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhisidda bulsho dijitaal ah oo loo siman yahay, iyadoo la adeegsanayo Siyaasadda Qaran ee Teknoolojiyadda Casriga ah, taasoo ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen horraantii sanadkan.

โ€œ๐—ฆ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚ ๐—บ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฒ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ โ€“ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ป๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ Q๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป,โ€ ayuu yiri Wasiir Maxamed Aadan.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa sidoo kale xusay tallaabooyinka muhiimka ah ee dowladda qaaday, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Ballaarinta adeegga internet-ka degdega ah ee la awoodi karo.

Barnaamijyo xirfadeed oo gaar loogu talagalay dumarka iyo dhallinyarada.

Horumarinta adeegyada dijitaalka ah ee loo gaarsiinayo bulshooyinka nugul.

Inta doodu socotay, Wasiirku wuxuu si gaar ah ugu baaqay hayโ€™adaha caalamiga ah, sida ITU iyo la-hawlgalayaal kale, in ay xoojiyaan taageerada ay siiyaan dalalka soo koraya, si loo xaqiijiyo in horumarka dijitaalka ah uusan cidna ka tagin.

Ka-qaybgalka Soomaaliya ee WSIS+20 wuxuu caddayn u yahay dadaalka joogtada ah ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada, iyo sida ay Dowladda Federaalka uga goโ€™an tahay hirgelinta hannaan dijitaal ah oo caddaalad ku dhisan, fursad u abuura qof kasta, kana tarjuma aragtida qaran ee horumar iyo is-dhexgal dhijitaal ah oo waara

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska oo gaadiid kala wareegay Mareykanka

Next Post

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israelโ€™s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In