Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo dib ugu biirtay Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa oo ay ka maqneyd muddo 28 sanadood ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo dib ugu biirtay Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa oo ay ka maqneyd muddo 28 sanadood ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid iyo Agaasimaha Guud ee Ururka Bariga Afrika ee la dagaalanka Ayaxa Dr Stephen W. Njoka ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu kala saxiixday heshiis ay Soomaaliya 28 sano kadib markale dib uga mid noqotay Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa , iyadoo ay Soomaaliya iska dhiibtay qaraankii lagu laha mudadii ay ururkan ka maqneyd.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka, Wasiirka Beeraha iyo Agaasimaha Guud ee ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa

Munaasabadda oo ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday Guddiga Beeraha ee Xildhibaanada Golaha Shacabka, Wakiilo ka socday Hay’adda cunada Aduunka ee FAO iyo iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in hada wixii ka dambeeya ay Soomaaliya xaq u yeelaneyso inay hesho adeegyada uu Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa ka qabto dalalka xubnaha ka ah sida ka hortagga musiibadda Ayaxa oo xilligan dhibaato ku haya gobolo badan oo dalkeena ka mida,

Wasiir Saciid Xuseen Ciid ayaa dhinaca kale tilmaamay in Soomaaliya ay waqtigii ugu habooneyd dib ugu biirtay Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa oo uu tilmaamay inay shaqo wanaagsan dalka ka qaban doonaan.

Agaasimaha Guud ee ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa Dr Stephen W. Njoka ayaa soo dhaweeyay kusoo laabashada ay Soomaaliya dib uga mid noqtay Ururkan, wuxuuna dhinaca kale tilmaamay inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga howlgali doonaan Soomaaliya si ay gacan uga geystaan goobaha uu hada Ayaxu dhibaatada ku hayo

Sagaal dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay ayaa qeyb ka ah Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa oo la aasaasay sanadkii 1962, waana urur la dagaallama cayayaanka gaar ahaan Ayaxa oo hada dhibaato ku haya qaar ka mid ah gobolada dalkeena.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Garyaqaan Suleyman Maxamed u magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Next Post

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare oo akhrinta labaad marsiiyay Hindise sharciyeedka Hanti-dowrka guud ee Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare oo akhrinta labaad marsiiyay Hindise sharciyeedka Hanti-dowrka guud ee Qaranka “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In