Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Soomaaliya oo gudbisay warbixintii taariikhiga ahayd ee CRC

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo bandhigtay Siyaasadda Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta Dadweynaha “AKHRISO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Marwo Deeqa Yaasiin ayaa ku dhawaaqday soo saarista Warbixinta Billowga ah ee Soomaaliya ee ku aadan fulinta axdigii caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta (CRC).

Warbixintani waxaa la soo saaray kaddib markii Soomaaliya ay noqotay waddankii 196aad ee saxiixa axdigaan sannadkii 2015ka.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Dhacdadan waxay muujineysaa tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya qaaday si ay u gudato waajibaadka ka saaran soo gudbinta warbixinno ku aadan heshiisyo iyo axdiyo kala duwan oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay, kaddib markii ay soo wajahday dib-u-dhac 35 sano ah oo aan warbixin laga gudbin heshiisyada caalamiga ah, tani waa marxalad kale oo muhiim ah, waana tallaabo wax ku ool ah oo Soomaaliya dib loogu soo celinaayo nidaamka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Sii deynta warbixintan billowga ah iyadoo la waafajinayo heshiiska caalamiga ah ee CRC waxay muujineysaa sida ay dowladda federaalka uga go’an tahay inay si buuxda uga qeybqaadato kor u qaadista iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka gudahiisa iyo dibaddaba. Fulinta balanqaadkani waa mid si cad u muuqda ayadoo la qaaday talaabooyin dhinaca siyaasadda dowladda ah, soo gudbinta sharuuc iyo qaadashada go’aanno maamul.

Warbixinta ayaa ka kooban xog laga soo aruuriyay wadatashiyo lala yeeshay jilayaasha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn ee Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyo gobolka Banaadir. La tashi gaar ah ayaa lala sameeyay carruurta.

Warbixinta ayaa sharraxaysa tallaabooyin faahfaahsan oo ay dawladdu qaaday si dalka looga hirgeliyo heshiiskan. Natiijooyinka ka soo baxay warbixintan ayaa ku kaliftay Wasaaradda inay billawdo qoritaanka (Qabyo Qoraal) Sharciga Xuquuqda Carruurta ee 2017ka, kaasoo yagleelaya qaab dhismeed sharci oo si adag u difaacaya carruurta Soomaaliyeed.

Iyada oo Soomaaliya ay dib ugu soo laabaneyso nidaamka gobolka iyo kan caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa dowladaha qeybta ka ah heshiiska CRC in ay taageeraan abuurista jawi suurtagelinaya ilaalinta iyo kor u qaadista xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Wakiilo ka socday Bangiga Adduunka+Sawirro.

Next Post

Wasiir Ku-xiggeenka Warfaafinta oo soo xiray tababar diiradda lagu saarayay ka hor-tagga qataraha ay wajahaan Saxafiyiinta “War-saxaafadeed”

Next Post
Wasiir Ku-xiggeenka Warfaafinta oo soo xiray tababar diiradda lagu saarayay ka hor-tagga qataraha ay wajahaan Saxafiyiinta “War-saxaafadeed”

Wasiir Ku-xiggeenka Warfaafinta oo soo xiray tababar diiradda lagu saarayay ka hor-tagga qataraha ay wajahaan Saxafiyiinta "War-saxaafadeed"

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In