Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo guddoontay shixnaddii labaad ee agab caafimaad oo ay ku deeqday Shiinaha +Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo guddoontay shixnaddii labaad ee agab caafimaad oo ay ku deeqday Shiinaha +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya waxa ay guddoontay shalay oo Khamiis ahayd (7 May) shixnaddii labaad oo ah kaalmo agab caafimaad oo ay ku deeqday Dowladda aanu saaxiibada nahay ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha si looga hortago xanuunka Koroona feyrus, iyadooo ka koobnayd maaskaro, galoofyo, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, qalabka baaridda-caafimaad iyo dharka ilaalinta leh ee loogu talogalay in ay ku labistaan xirfadlayaasha caafimaadka.

Deeqda caafimaad ee dowladda Shiinaha waxa ay ka qeyb tahay xiriirka taariikhiga ah iyo midka saaxiibtinimo ee labada dal u dhexeeya, waxaana la filayaa in gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho ay soo caga dhigtaan duulimaadyo kale oo sida kaalmooyin caafimaad oo muhiim ah oo ka kala imaanaya Dowladda iyo Hey’adda Jack Ma.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Tan iyo 24 Maarso, Soomaaliya waxa ay deeqo agab caafimaad ah oo labo shixnadood ah ka heshay Hey’adaha Ma Yun iyo Alibaba, si la mid ah waxa ay labo shixnadood kale ka heshay Dowladda Shiinaha.

Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa Dowladda iyo dadka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, waxa ayna bogaadinaysaa hindisahani bani’aadannimo ee looga hortagayo cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus, waxa ayna dadaal ballaaran ku bixinaysaa sidii agabkaasi caafimaad loo kala gaarsiin lahaa dhammaan gobollada si loogu adeego shacabka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 928 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 106 ruux oo bogsatay iyo 44 ruux oo u geeriyootay.

Tags: Soomaaliya oo guddoontay shixnaddii labaad ee agab caafimaad oo ay ku deeqday Shiinaha +Sawirro
Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Barnaamijka baxnaano uu bilaawday

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Barnaamijka baxnaano uu bilaawday

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Barnaamijka baxnaano uu bilaawday

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In