Wafdi ka socday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dhowaan gaaray dalka Itoobiya ayaa si rasmi ah uga qayb galay Shirka Nabadda, Horumarka iyo Dawladnimada Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay Hoteelka Sheraton ee caasimaadda Addis Ababa.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Pekos, Qunsulka ahna ku simaha safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Soomaaliya oo si rasmi ah uga qayb gashay Shirka Nabadda, Horumarka iyo Dawladnimada Geeska Africa.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah waxaa qaban-qaabadiisa iska kaashaday Dawladaha Itoobiya iyo China, waxaana lagu casumay dalalka Geeska Africa iyadoo looga arrinsanayo sidii loo dejin lahaa qorshe dhaxalgal ah oo lagu sii anba qaadi karo horumarka ka jira Geeska Africa.