Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qeyb gashay xuska Maalinta Afrika oo lagu qabtay Kenya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qeyb gashay xuska Maalinta Afrika oo lagu qabtay Kenya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo aheyd mid lagu maamuusayay 70 sano guuradii ka soo wareegatay markii Dal Qaaradan Afrika ka mid ah uu xoriyadhelo ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya , waxaana ka qeyb galay oo isugu yimid diblomaasiyiinta 54ta wadan ee ay ka kooban tahay Qaaradda Afrika, ayago madasha ku soo bandhigay dhaqamadooda iyo cuntooyinka ay gaarka u leeyihiin.

Soomaaliya oo ka mid ah wadamadii xoriyadda ugu horeeyay qaata ee Qaaradda Afrika ayaa waxaa ka qeybgalay Safiirka Dowladda JFS ee Dalkan Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan  iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kenya oo wada-jira, waxa ayna halkaas ku soo bandhigeen Dhaqanka iyo Cunntooyonka ay Ummadda Soomaliyeed caanka ku tahay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiyaha Jaaliyadda Cabdulqaadir Diini ayaa shaaraxaad ka bixiyay sida Soomaaliya muhiim ugu tahay ban-dhigaan iyo in ay wadamada kale la wadaagaan dhaqanka iyo xadaaradda Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale qeyb weyn ka ahaa munasabadda Dowladda aan walaalalaha nahay ee Jabuuti oo ayadana halkaas ku soo ban-dhigtay dhaqaamada ay caanka ku tahay.

Ugu damebeyn waxaa ka hadlay goobta ban-dhigga  Danjiraha Safaaradda Dowladda JFS ee Dalka Kenya Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ku ku dheeraaday faa’iidada iyo macnaha ay u leedahay ka Soomaaliya ahaan in ay ka soo qeyb-galaan munaasabadaan, ayna soo bandhigaan dhaqanka iyo cunnooyinka Soomaalida caanka ku tahay.

Previous Post

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay deegaanno hoostaga degmada Kuntuwaaray

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Moscow kula kulmay dhiggiisa dalka Ruushka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Moscow kula kulmay dhiggiisa dalka Ruushka “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Moscow kula kulmay dhiggiisa dalka Ruushka "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In