Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qeybgaleysa Shirka heer Wasiir ee Hal-abuurka Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qeybgaleysa Shirka heer Wasiir ee Hal-abuurka Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Cabdullaahi Bile Nuur, ayaa ka qeybgalaya shirka heer Wasiir ee Hal-abuurka Afrika, kaas oo maanta ka furmay magaalada Accra, caasimadda dalka Ghana.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Waxbarashada ee dalalka Qaaradda Afrika, waxaa furay Madaxweynaha Ghana, Nana Akufo-Addo, oo dalkiisu sanadkan martigelinayo shirkan. Madaxweynaha oo la hadlayay wufuudda kala duwan ee shirka ka soo qeybgashay ayaa sheegay in mustaqbalka Afrika uu ku xiran yahay hadba sidii loo horumariyo teknolojiyada iyo Waxbarashada.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Wasiiru-dawlaha oo ka hadlayay ahmiyadda shirkan u leeyahay dalka ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda uu ku jiro sidii loo baahin lahaa aqoonta teknolojiyada (digital literacy) si dadweynuhu uga faa’iideysan karaan adeegyada teknoolojiyadeed ee dalka ka jira.

Shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan Golaha Wasiirrada Xukuumadda uu ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, taas oo ahmiyad gaar ah lagu siiyay sidii loo baahin lahaa Waxbarashada loo adeegsanayo teknolojiyada (e-education), lana xaqiijiyo in dhammaan dugsiyada sare ee dalka ay helaan adeegga internet-ka, iyadoo taasi Wasaaradda Boostadu kala shaqeyneyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

“Dalkeena ma horumari karo teknolojiyad ahaan haddii aan la dhisin aqoonta dadkeena ee teknolojiyada, waayo haddii uu adeegga jiro, balse aysan dadku aqoonin way adkaaneysaa in ay ka faa’iideystaan adeegyadaasi. Sidaasi darteed waxaan ugu baaqeynaa shirkadaha, hay’adaha horumarinta ka shaqeeya iyo dalalka aan saaxiibada nahayba inay nagala shaqeeyaan sidii loo baahin lahaa aqoontaas,” ayuu yiri Wasiiru-dawlaha.

Previous Post

Ciidamo boolis ah oo tabbabar loogu soo xiray dalka Jabuuti

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay ka qeyb-galeyaashii Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada+sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay ka qeyb-galeyaashii Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada+sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay ka qeyb-galeyaashii Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada+sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In