Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ku soo baxday liiska dalalka sida wanaagsan ugu adeegay Xujeyda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ku soo baxday liiska dalalka sida wanaagsan ugu adeegay Xujeyda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Sacuudigu ayaa shaacisay in Soomaaliya ay kaalinta 5-aad ka soo gashay dalalka sanadkan sida wanaagsan ugu adeegay xujeydooda, iyadoo maanta xafiiska Arrimaha xajka dowladda Soomaaliya ee Magaalada Makkah ka qabsoomay shir arrintaas ku saabsan.

Shirka waxaa ka qeyb galay madaxda bicisada dowladda Soomaaliya iyo Guddi Wasaaradda xajka dowladda Sacuudiga ay u xilsaartay qiimeynta dalalka muteystay abaalmarinta, waxaana Soomaaliya si rasmi ah loogu wargaliyay inay musharax u tahay jaa’isadaan oo noqoneysa markii ugu horreeyey ee Soomaaliya soo gasho liiska musharixiinta.

Related posts

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026

Madaxa xafiiska Arrimaha Xajka dowladda Soomaaliya Dr Khadar Xaaji Daahir ayaa faah faahiyey muhiimadda kulankaan, wuxuuna sheegay in ay meel fiican marayaan howlaha adeegga Xajka, isagoo dhinaca kalena sheegay in qiimeynta oo labo mar la sameeyo ay Soomaaliya ku soo baxdey Liiska koobaad ee gaaban.

“ Waa arrin aad loogu farxo in aan soo galno liiska Wadamada ugu horeeya, taasi waxa ay ku timid dadaal aanu sameyney” ayuu yiri Khadar.

Guddiga ayaa si uu ugu kuur galo adeegyada dowladdu u qabatay xujeyda Soomaaliyeed, waxaa uu booqday Hotelada la dajiyay xujeyda, Isbitaalada loogu adeego xujeyda iyo xafiisyada hoos yimaada Xafiiska Arrimaha Xajka.

In Dowlada Soomaaliya ay safka hore ka gasho Qiimeynta Wadamada safka hore kaga jira dalalka sida wanaagsan u nidaamiyay xujeydooda ayaa ku soo beegmey, xilli Wasaarada Diinta iyo Awqaafta dowlada Federaalka Soomaaliyeed ay waqti hore bilowdey abaabulka howlaha Xajka, taasi oo keentey in dowlada Sacuudiga ay ku amaanto.

Previous Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka qeybgalay xuska Maalinta Qaranimada Talyaaniga

Next Post

Ergeyga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Caafimaadka oo la kulmay Mr Crispen Rukasha

Next Post
Ergeyga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Caafimaadka oo la kulmay Mr Crispen Rukasha

Ergeyga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Caafimaadka oo la kulmay Mr Crispen Rukasha

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In