Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo laga xusay maalinta ciribtirka xadgudubyada ku dhaca haweenka

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo laga xusay maalinta ciribtirka xadgudubyada ku dhaca haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Xaflado ay horkacayaan Qaramada Midoobay ayaa maalinimadii shalay oo ku beegneyd 25-ka November ka kala dhacay guud ahaan dalalka caalamka,gaar ahaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Maalintaan  oo ku asteysan Qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay oo tirsigiisu yahay 54/134) ayaa ujeedku yahay in lagu baraarugo in haweenka adduunka ay la kulmaan kufsi, xadgudubyo qoys iyo tacadiyo kale.

“Waxaan soo dhaweyneynaa guuxa codadka ee ku baaqaya in la joojiyo rabshadaha iyo xadgudubyada ku dhaca haweenka,waxaanna sidoo kale bogaadineynaa hoggaamiyeyaasha gacanta ka geysanaya dejinta iyo hirgelinta shuruucda iyo beddelka lagu ilaalinaayo dumarka”sidaa waxaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Fariinta 25 Noofambar ee sanadkaan ayaa ah in dunidu ay u soo jeestaan sidii loo ilaain lahaa xuquuqda haweenka,isla markaana loo joojin lahaa xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.

Qaramada Midoobay waxay ku dhiirigelinayaan dawladaha, ururada caalamiga ah iyo NGO-yada inay sanad kasta ay abaabulaan xusas lagu taageerayo xuquuqda haweenka,gaar ahaan maalinta caalamiga ah ee 25-ka Nov.

Dhinaca kale, Xubno wasiiro ah iyo Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug ayaa  ka qeyb galay xaflad loo sameeyay maalinta caalamiga ah ee joojinta xadgudubyada ka dhanka ah haweenka  taas oo lagu qabtay   Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Munaasabadan oo ay soo agaasintey Xarunta Waxbarashada, nabada iyo hormarka ee Gaalkacyo waxaa ugu horeyn ka hadlay Safiyo Sigaale oo wakiil ka ah Xarunta Waxbarashada, nabada iyo hormarka ee Gaalkacyo iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka Galmudug Maxamed Cali Alaale ,iyagoo ka waramay tacdiyada loo gaysto haweenka iyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug Cusmaan Macalin Xasan  ayaa ugu danbeyn ku dheeraaday dhibaatooyinka  ay ku keenaan haweenka tacdiyada loo gaysto wuxuuna bulshada u soo jeediyay in la joojiyo  tyacadiyada lagula kacyo haweenka .

Olole ka dhan ah tacdiyada lagula kaco haweenka ayaa lagu wadaa in mudo lix iyo toban cisho ah uu ka dhoco gudaha dalka Soomaaliya.

Previous Post

Roobab lagu diirsaday oo ka da ay deegaanada xeebaha Gobalka Nugaal Bari iyo Mudug

Next Post

Somali Police commanders trained to effectively secure elections

Next Post
Somali Police commanders trained to effectively secure elections

Somali Police commanders trained to effectively secure elections

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In