Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo mar kale ka qayb gashay xiritaanka munaasabadda Xuska Dhaqanka Dalalka Geeska Africa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo mar kale ka qayb gashay xiritaanka munaasabadda Xuska Dhaqanka Dalalka Geeska Africa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda xuska Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka Dalalka Geeska Africa oo todobaadkii lasoo dhaafay ka socotay caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa lasoo geba-gebeeyey, waxaana si rasmi ah uga qayb galay mar kale Diblomaasiyiinta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ethiopia, iyagoo si rasmi ah u metelayay shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa sidoo kale kaalin mug weyn ku lahaa kooxda Anshax Band oo kamid ah kooxaha Fanka iyo Wacyigelinta bulshada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, iyagoo soo bandhigay dhaqanka, farshaxanka iyo suugaanta kala duwan ee u gaarka ah bulshooyinka Soomaaliyeed.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Intii ay munaasabaddu socotay Soomaaliya waxa ay muujisay metelaad dhab ah, waxaana arrimahaas si weyn uga shaqeeyey Diblomaasiyiinta kala duwan ee Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia, iyagoo si buuxda u kaashanaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa mudadii ay munaasabaddu socotay waxay muujiyeen dedaal dhab ah oo salka ku haya adkaynta iyo muujinta dhaqanka, fanka iyo farshaxanka gaarka u ah Soomaaliya, waxayna kor u qaadeen awoodda ay leedahay Qaranimada Soomaaliya.

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cali Maxamed Xuseen Atam oo Warbaahinta Qaranka u sheegay in natiijo wanaagsan ay Soomaliya ka dhaxashay ka qayb galka Munaasabadda Xuska Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka Dalalka Geeska Africa oo lagu soo afmeeray caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Ka qayb galka Soomaaliya ee munaasabadan ayaa fasiraad rasmi ah ka bixinaysa dedaalka ay madaxda kala duwan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gelinayaan sidii kor loogu qaadi lahaa sumcadda iyo awoodda Qarankeennu ku leeyahay Africa iyo caalamka intiisa kale.

Previous Post

Wasaaradda Beeraha XFS oo tababar u qabatay haweenka Gobalka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post

Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya oo laga guddoomay Warqadaha aqoonsiga

Next Post
Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya oo laga guddoomay Warqadaha aqoonsiga

Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya oo laga guddoomay Warqadaha aqoonsiga

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In