Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo markii u horreysay sameysay guddiga saddex geesoodka Qaran ee Arrimaha Shaqada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo markii u horreysay sameysay guddiga saddex geesoodka Qaran ee Arrimaha Shaqada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta Guddoomiyay kullankii ugu horreeyay ee Guddiga saddex geesoodka Qaran ee arrimaha Shaqada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO.

Dhismaha guddiga saddex geesoodka Qaran ee arrimaha shaqada Soomaaliya oo wareegto kusoo saaray Wasiir Sadiiq Warfaa ayaa noqonaya markii ugu horreysay ee Soomaaliya laga dhiso guddigan, waxaana kullanka maanta ka qaybgalay dowladda Federaalka, dowlad-gobolleedyada dalka, xiriirka ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) oo matalayay Shaqaalaha iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo matalaysay loo shaqeeyaha.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

Madaxa hay’adda shaqaalaha adduunka ILO ee Soomaaliya, Saad Gilani ayaa ugu horreyn sheegay inuu ku faraxsanyahay in Soomaaliya ay fulisay mabaa’didda ururka shaqaalaha adduunka ee ILO, wuxuuna ku ammaanay wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada dowladda federaalka Soomaaliya in uu ku guuleystay inuu isku keenay guddiga saddex geesoodka ah, wuxuuna sheegay tallabadan inay billow u tahay shaqo abuur xoog leh oo dalka laga sameeyo.

Xoghayaha guud ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU), Cumar Faaruq Cismaan ayaa caddeeyay inay maanta u tahay Soomaaliya maalin weyn, wuxuuna uga mahadceliyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Sadiiq Warfaa dadaallada uu galiyay isu keenida iyo dhisida guddigan saddex geesoodka qaran iyo qabsoomida kullanka koowaad ee guddiga.

Cabdi Abshir Dhoore, agaasimaha maamulka ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay qabsoomida kullanka guddiga saddex geesoodka Qaran, wuxuuna tilmaamay inay door muuqda ka qaadan doonaan dadaallada socda ee Shaqada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa ku tilmaamay kullanka mid taariikhi u ah Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in loo baahanyahay shaqo abuur tayo leh iyo in la difaaco xuquuqda shaqaalaha ,iyada oo doorka ay qaadanayaan guddiga saddex geesoodka qaran.

“Dadaal dheer iyo waqti badan ayay qaadatay in aan guddigan seddax geesoodka ah dhisno oo aan kullankan uu qabsoomo, wuxuu billlow wanaagsan u yahay in la horumariyo barnaamijka kobcinta dhaqaalaha oo sahal u ah shaqo abuurka iyo dhowrista xuquuqda shaqaalaha” ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa.

“Waa markii ugu horreysay ee dalka Soomaaliya oo ah dalkii u dambeeyay ee ILO xubin ka ah uu sameeyo guddiga qaran ee saddex geesoodka ah,” ayuu ku daray Wasiir Sadiiq Warfaa.

Guddiga saddex geesoodka qaran wuxuu sahlaya in la dedejiyo shaqo abuurka iyo siyaasadda horumarinta shaqaalaha,iyada oo la waafajinayo sharuucda dalka ,siyaasadda dowladda iyo qawaaninta caalamiga ah ee ay Soomaaliya qayb ka tahay.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo kulan lagu dardargelinayo shaqooyinka la qaatay Maamullada Degmooyinka Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dhibaatada lagu hayo Soomaalida kunool K/Afrika

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo bandhigtay Siyaasadda Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta Dadweynaha “AKHRISO”

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dhibaatada lagu hayo Soomaalida kunool K/Afrika

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In