Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qeyb gashay shirka hay’adda duullimaadyada Rayidka Adduunka ee ICAO

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qeyb gashay shirka hay’adda duullimaadyada Rayidka Adduunka ee ICAO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duullimaadyada Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar), ayaa Magaalada Ontario ee Dalka Kanada kaga qeyb galay shir weynaha Waddamada xubnaha ka ah hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan duullimaadyada Rayidka ah ee ICAO.

Wasiirka oo uu ka qeyb galka shirkaasi ku wehliyo Maareeyaha hay’adda duulista Hawada Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay, maaddaama ay Soomaaliya saaxaadda ka maqnayd muddo dheer.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Soomaaliya runtii waxaa naloo arkayay Waddan yar oo ay ICAO xukunto, wixii saxiix ah ee looga baahda hawada Soomaaliyana hay’addaas ayaa loo mari jira, balse hadda Dowladda ayaa ahmiyadda leh” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Waddamada kulmayaba uu shirkani u leeyahay ahmiyad ballaaran, sida isku xirka, is barashada, is caawinaadda , heshiisyada, bixinta tababarrada iyo soo bandhigidda Technolojiyadda cusub ee ku aaddan duulista Rayidka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan xisaab xir ku aaddan dhowr iyo Labaatankii Sano ee ay hay’addani Hawada Soomaaliya ka maamulaysay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan 193-da Dal ee xubnaha ka ah ICAO ayaa Saddexdii Sanaba mar ka dhaca xarunta hay’adda duullimaadyada Rayidka ah ee Ontario Canada, wuxuuna noqonayaa kulankii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya ka qeyb gasho tan iyo 1991-kii.

Shirka ayaa la filayaa in ay ku biiraan wufuud kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya Saacadaha soo socda.

Previous Post

Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Waddooyinka xiran ee Caasimadda+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Ciidamo Loo Diyaarinayo Howl-Gallada Argagaxisada Dalka Looga Saarayo+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Ciidamo Loo Diyaarinayo Howl-Gallada Argagaxisada Dalka Looga Saarayo+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Ciidamo Loo Diyaarinayo Howl-Gallada Argagaxisada Dalka Looga Saarayo+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In