Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo qorsheynaysa in ay dib u dhisto Safaaraddeeda Dalka Turkiga

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo qorsheynaysa in ay dib u dhisto Safaaraddeeda Dalka Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire; Axmed Ciise Cawed iyo  wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku tagay Dalka Turkiga ayaa kulamo la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane; Melvut  Cavusoglu oo uu welinayay Danjira Safaaradda Sooaaliya ee Dalka Tukiga, Jamac Cabdullaahi Maxmed Caydiid.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay ka wada hadleen, dhismaha Dhulka Safaaradda Soomaaliya ee Ankara in ay Dowladda Turkiga Gacan weyn ka geysato, cusboonaysiinta  heshiiska qoondada taageerada caafimaadka ee shaqaalaha Dowladda iyo waxyaabo kale oo ku saabsan xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS  Danjire; Axmed Ciise Cawed  iyo dhiggiisa Dalka Turkiga, Melvut  Cavusoglu  ayaa  kala saxiixday heshiiskaasi.

Wuxuuna heshiiskaasi ahaa mid si gaar ah ugu dhexeeya Machadka Dibloomaasiyadda ee Soomaaliya iyo Akademiyada Dibloomaasiga ee Dalka Turkiga oo dhammaantood hoos taga Wasaaradaha arrimaha dibedda ee Labada Dal.

Wasiir Cawad ayaa u mahad celiyay dhiggiisa  Dalka Turkiga  iyo Shacabkooda, isagoo u waday Salaan ka timid Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Soomaliya.

Wuxuuna bogaadiyay sida fudud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay VISA uga helaan Turkiga, taageerada kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ku jiraan Garoonka Diyaaradaha, Dekedda iyo qaar ka mid ah Isbitaallada Dalka soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale ka mahad celiyay Wasiirku deeqaha waxbarasho ee uu Sanad walba siiyo Ardayda Soomaaliyeed , taageeridda tooska ah ee miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya iyo xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga .

Previous Post

Hey’adda Cunnadda iyo Beeraha ee Q M oo doomo casri ah ku wareejisay Dowlad Gobaleedka Puntiland “Sawirro”

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa ku guuleysatay Abaal marinta loo yaqaano MINERVA PRIZE “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa ku guuleysatay Abaal marinta loo yaqaano MINERVA PRIZE “Sawirro”

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa ku guuleysatay Abaal marinta loo yaqaano MINERVA PRIZE "Sawirro"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In