Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo shir guddoomisay shir caalami ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo shir guddoomisay shir caalami ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa shir guddoomiyay shirka “Bandhiga  Horumarinta Caalamiga ah ee Dalalka Iskaashiga oo looyaqaan ( South South  Cooperation), kaasoo lagu qabtay magaalada Dubai- ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Shirka oo furmay 31 October ayaa lagu wadaa in maanta la soo gabo gabeeyo, iyadoo shirkan ay ka qeyb galeen dalalka ku bahoobay G77 oo la isku yiraahdo dalalka iskaashiga oo ay Soomaaliya xubin ka tahay, iyadoo ay soo qaban qaabisay Mu’sasada Zaayid & UNSSC

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa dalalka xubnaha ka ah iskaashiga, isweydaarsiga dhanka qibradda iyo tayaynta shaqaalaha, si loo helo shaqaale tababaran oo gacan ka geysta horumarina dalalkooda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow oo shir guddoominayay kulanka ayaa madasha ku soo bandhigay qorshaha Qaranka ee sadaxda sano 2017-2019 iyo horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatay, taasi oo ay u riyaaqeen dalalkii ka qeyb galay shirka.

Xubnihii ka qeyb galay shirka ayaa soo dhaweeyay qorshaha Qaranka ee shirka lagu soo bandhigay.

Waa markii ugu horeeyay muddo sodon sano ah kadib ay Soomaliya shir noocaan oo kala ah shir guddoomiso, taasi oo xoojineyso doorka Soomaaliya ay ka gaartay xoojinta xiriirka caalamka ah.

1978 ayaa Qaramada Midoobay aas aastay dalalka la isku yiraahdo iskaashiga oo ay ku mideysanyihiin 53 wadan oo Qaaradda Afrika ah iyo 12 dal oo Koonfurta Mareykanka

2016-11-04-PHOTO-00000044 2016-11-04-PHOTO-00000046 2016-11-04-PHOTO-00000047(1) 2016-11-04-PHOTO-00000047 2016-11-04-PHOTO-00000048

Previous Post

Doorashada Aqalka Hoose oo goordhaw ka bilaabaneysa magaalada Garoowe

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In