Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo shirar iyo bandhigyo uga qeybgalaysa Dalka Qadar+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo shirar iyo bandhigyo uga qeybgalaysa Dalka Qadar+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Eng; Cabdi Cashuur Xasan, ayaa ka qeyb galaya bandhigga Tiknolojiyadda ee Dalka Qadar iyo Shirka kooxda heerka sare ee Madasha ammaanka Munich (Munich Security Conference).

Shirka iyo bandhiga Isgaarsiinta Qadar oo ay ka soo qeyb galeen madax ka socotay Dalal kala duwan ayaa waxaa daahfurey Amiirka Dowladda Qadar, Tamim bin Hamad Al Thani, Shirkan ayaa muddada uu socdo waxaa looga hadlayaa qodobbo ay ka mid yihiin ammaanka Internetka, horumarinta iyo Isticmaalka Tiknolojiyadda, hal-abuurka Dhallinyarada iyo dooddo kala duwan oo la xiriira isticmaalka adeegyada xukuumad danabeedka (e-government), iyo ganacsiga Ellektarooniga ah (E-commerce).

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa sheegay in ka qeygalka shirarka iyo bandhigyada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin wadaagista khibradaha iyo qorshayaasha, gaar ahaan Dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya Dalalka Carabta dhinaca baahinta Tiknolojiyadda.

”Waxaa naga go’an in aan sahmino helitaanka Dalal , Ururro, Shirkado iyo khubaro naga caawiya fulinta siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Tiknolojiyadda ee ay dhowaan Wasaaraddu diyaarisey” ayuu yiri Wasiirka Boostada Soomaaliya, Mudane; Cabdi Cashuur Xasan.

Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid yahay Maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane; Cabdi Sheekh Axmed ayaa inta ay joogaan Dalka Qadar waxa uu shir gaar ah la yeelanayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dalka Qadar, shirkan oo looga hadlayo iskaashiga Labada Dal ee dhinaca Isgaarsiinta iyo Tikonlojiyadda iyo isticmaalka Tiknolojiyadda ee ka hortagga iyo gurmadka musiibooyinka.

Previous Post

Maxkamadda C.Q.S oo xukun ku ridday eedaysanayaal uu ka mid yahay guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas

Next Post

Xildhibaannada Golaha shacabka ansixiyay labo sharci oo muhiim ah “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaannada Golaha shacabka ansixiyay labo sharci oo muhiim ah “SAWIRRO”

Xildhibaannada Golaha shacabka ansixiyay labo sharci oo muhiim ah "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In