Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo Si Rasmi ah Ugu Fariisatay Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo Si Rasmi ah Ugu Fariisatay Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay fadhiga rasmiga ah ee Soomaaliya ku yeelatay maanta, kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo sidoo kale calaamad u ahayd bilowga shaqada Soomaaliya ee golahaasi.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha Waaxyaha, iyo hawlwadeennada wasaaradda.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

Wasiirka, oo munaasabadda khudbad ka jeediyay, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, dadaalladii xoogga lahaa ee arrintan lagu gaadhay, iyo ajendayaasha ay Soomaaliya mudnaanta siin doonto intay golahaasi ku jirto.

Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay madaxda qaranka ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ergada Soomaaliya ee xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, ergada Qaramada Midoobay ee New York, iyo dhammaan diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada wasaaradda kaalinta weyn ee ay ku lahaayeen guushan muhiimka ah.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo kulan la yeeshay Ciidanka ilaalinta Deegaanka ee Xamar 

Next Post

Madaxweynaha JFS oo shacabka la wadaagay Guusha Soomaaliya ee Kursiga QM

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha JFS oo shacabka la wadaagay Guusha Soomaaliya ee Kursiga QM

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In