Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo soo ceshatay xubinnimadeeda ee Midowga Boostada Adduunka

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo soo ceshatay xubinnimadeeda ee Midowga Boostada Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

(Bern, Switzerland โ€“ Abriil 11, 2019) Soomaaliya ayaa dib u soo ceshatay xubinnimada buuxda ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyada oo la inaga qaaday xannibaad inaga saarneyd dhinaca boostada.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Dhexe ee UPU ee dalka Switzerland, ayna goobjoog ka ahaayeen Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Md. C/laahi Bile Nuur iyo Masuuliyiinta UPU ayaa wasiirka Boostada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo Agaasimaha Guud ee UPU Danjire Bishaar C/raxmaan Xuseen waxa ay ku saxiixeen heshiis u oggolaanaya dalkeena in uu soo ceshto xubinnimo buuxda lagana qaado xayiraadda isla markaana ka faaโ€™ideysan karo adeegyada UPU.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Heshiiskan ayaa u oggolaanaya Boostada dalkeena inay dalka dibeddiisa wax u diri karto, isticmaali karto dhammaan barnaamijyada UPU sidoo kalena heli karto taageerada farsamo ee ay xaqa u leeyihiin dalalka soo koraya.

Deynta Soomaaliya lagu leeyahay oo dhan lacag ku dhow 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo isugu jirta qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar kaliya iyo dulsaar aruurey ayaa ka soo billaabatay Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii iyada oo nasiib darro dalkeenu uusan ka faaโ€™iideysan maadaama aysan jirin boosto si buuxda u shaqeyneysay tan iyo 1991-kii.

Inkasta oo wada-xaajoodka arrintan ku saabsan uu soo jiimamayey muddo ku dhow hal sano, haddana khudbaddii uu wasiirku ka jeediyay kulanka Golaha Maamulka UPU iyo kulamo gooni gooni ah oo isaga iyo wafdigiisu ay la yeesheen madax kala duwan waxa ay soo dadajiyeen in lagu guuleysto soo-celinta xubinnimada, Golaha loo dhan yahay ee midawga UPU ayaa tixgelin doono mid ka mid ah labada qorshe ee ay Soomaaliya la soo shir-tagtay oo kala ah in laga wada cafiyo deynta oo dhamaystiran ama in dulsaarka laga jaro, inta soo hartana lagu bixiyo muddo 10 sano ah oo ka billaabaneysa 2019.

Agaasimaha Guud ee UPU, Bishaar Xuseen oo si gaar ah arrintan uga soo shaqeeyay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo ah xubin buuxda โ€œMaanta laga billaabo waxa aad ku soo noqoteen Bahda UPU, waxaadna heli doontaan dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dalalka xubnaha ka ah. Waxaan alle ka baryayaa in Soomaaliya ay soo ceshato cisigii iyo sharaftii ay ku lahayd Afrika iyo adduunkabaโ€ ayuu yiri Danjire Bishaar oo faray dhammaan qeybaha kala duwan ee UPU inay cid walbaba kaalinta kaga aaddan ay gacan ka geysato sidii Boostada Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa.

Wasiir Cabdi Cashuur Xasan ayaa u mahadceliyay madaxda sare ee UPU oo uu ugu horreeyo Agaasimaha guud oo fududeeyay wax badan oo la xiriira deynta iyo habka loo bixin doono.

Wasaaradda ayaa dhamaadkii 2017 ku guuleysatay dib u soo celinta xubinnimada Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) taas oo loo xayiray deymihii qaaraanka ee soo ururayay tan iyo 1983-kii.

Previous Post

FAALLO:Munaasabadda 12-ka Apriil ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka oo Muqdisho ka dhacday

Next Post

Soomaaliya oo dib u soo ceshatay xubinnimadii UPU, lagana qaaday xayiraaddii muddo 30 sano ka dib

Next Post
Soomaaliya oo dib u soo ceshatay xubinnimadii UPU, lagana qaaday xayiraaddii muddo 30 sano ka dib

Soomaaliya oo dib u soo ceshatay xubinnimadii UPU, lagana qaaday xayiraaddii muddo 30 sano ka dib

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In