Saturday, August 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo soo ceshatay xubinnimadeeda ee Midowga Boostada Adduunka

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo soo ceshatay xubinnimadeeda ee Midowga Boostada Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

(Bern, Switzerland – Abriil 11, 2019) Soomaaliya ayaa dib u soo ceshatay xubinnimada buuxda ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyada oo la inaga qaaday xannibaad inaga saarneyd dhinaca boostada.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Dhexe ee UPU ee dalka Switzerland, ayna goobjoog ka ahaayeen Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Md. C/laahi Bile Nuur iyo Masuuliyiinta UPU ayaa wasiirka Boostada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo Agaasimaha Guud ee UPU Danjire Bishaar C/raxmaan Xuseen waxa ay ku saxiixeen heshiis u oggolaanaya dalkeena in uu soo ceshto xubinnimo buuxda lagana qaado xayiraadda isla markaana ka faa’ideysan karo adeegyada UPU.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

Heshiiskan ayaa u oggolaanaya Boostada dalkeena inay dalka dibeddiisa wax u diri karto, isticmaali karto dhammaan barnaamijyada UPU sidoo kalena heli karto taageerada farsamo ee ay xaqa u leeyihiin dalalka soo koraya.

Deynta Soomaaliya lagu leeyahay oo dhan lacag ku dhow 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo isugu jirta qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar kaliya iyo dulsaar aruurey ayaa ka soo billaabatay Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii iyada oo nasiib darro dalkeenu uusan ka faa’iideysan maadaama aysan jirin boosto si buuxda u shaqeyneysay tan iyo 1991-kii.

Inkasta oo wada-xaajoodka arrintan ku saabsan uu soo jiimamayey muddo ku dhow hal sano, haddana khudbaddii uu wasiirku ka jeediyay kulanka Golaha Maamulka UPU iyo kulamo gooni gooni ah oo isaga iyo wafdigiisu ay la yeesheen madax kala duwan waxa ay soo dadajiyeen in lagu guuleysto soo-celinta xubinnimada, Golaha loo dhan yahay ee midawga UPU ayaa tixgelin doono mid ka mid ah labada qorshe ee ay Soomaaliya la soo shir-tagtay oo kala ah in laga wada cafiyo deynta oo dhamaystiran ama in dulsaarka laga jaro, inta soo hartana lagu bixiyo muddo 10 sano ah oo ka billaabaneysa 2019.

Agaasimaha Guud ee UPU, Bishaar Xuseen oo si gaar ah arrintan uga soo shaqeeyay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo ah xubin buuxda “Maanta laga billaabo waxa aad ku soo noqoteen Bahda UPU, waxaadna heli doontaan dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dalalka xubnaha ka ah. Waxaan alle ka baryayaa in Soomaaliya ay soo ceshato cisigii iyo sharaftii ay ku lahayd Afrika iyo adduunkaba” ayuu yiri Danjire Bishaar oo faray dhammaan qeybaha kala duwan ee UPU inay cid walbaba kaalinta kaga aaddan ay gacan ka geysato sidii Boostada Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa.

Wasiir Cabdi Cashuur Xasan ayaa u mahadceliyay madaxda sare ee UPU oo uu ugu horreeyo Agaasimaha guud oo fududeeyay wax badan oo la xiriira deynta iyo habka loo bixin doono.

Wasaaradda ayaa dhamaadkii 2017 ku guuleysatay dib u soo celinta xubinnimada Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) taas oo loo xayiray deymihii qaaraanka ee soo ururayay tan iyo 1983-kii.

Previous Post

FAALLO:Munaasabadda 12-ka Apriil ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka oo Muqdisho ka dhacday

Next Post

Soomaaliya oo dib u soo ceshatay xubinnimadii UPU, lagana qaaday xayiraaddii muddo 30 sano ka dib

Next Post
Soomaaliya oo dib u soo ceshatay xubinnimadii UPU, lagana qaaday xayiraaddii muddo 30 sano ka dib

Soomaaliya oo dib u soo ceshatay xubinnimadii UPU, lagana qaaday xayiraaddii muddo 30 sano ka dib

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In