Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

 Soomaaliya Oo Talaabo U Qaaday Dhameystirka Dayn-cafinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
 Soomaaliya Oo Talaabo U Qaaday Dhameystirka Dayn-cafinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixintan ay soo saartay Hey’adaha Lacagta Adduunka ayay ku sheegtay in kooxda Wadahadalka deyncafinta Soomaaliya ee Hey’adda ay heshiis looga gudbayo wajiga koowaad ee wadahadalka heerkiisu sareeyo ee dhameytirka deyn dhaafka la gaareen madaxda Soomaaliya, kaasi oo socday inta u dhexeysa  September 12—22, 2020, waxaana kooxda ka socotay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), hoggaaminaysay Allison Holland, iyadoo uu ku saabsanaa dib-u-eegistii ugu horreysay ee barnaamijka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay taageerto (ECF).

Gabagabadii howlgalka, ayay Ms. Holland waxay soo saartay bayaankan:

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

“Intii lagu gudajiray nuskii hore ee sanadka 2020, Soomaaliya waxaa soo foodsaarey dhibaatooyin badan oo ay ugu horeyso daadad, Ayax iyo cudurka safmarka ah ee adduunka saameynta ku yeeshay ee Coronavirus. Kuwani waxay sii xoojiyeen caqabadaha bani’aadamnimada, waxayna saameyn ku yeesheen dhaqaalaha dalka iyo awoodda dowladda ee ah inay isu keento dakhliga gudaha”.

Warbixinta ayaa lagu yiri “Mas’uuliyiinta Dowladda waxay qaadeen tillaabooyin dhowr ah si loo yareeyo saameynta ay ku reebtay dhibaatooyinkaas dadka Soomaaliyeed iyo dhaqaalaha. Dadaalladan waxaa horseeday taageero muhiim ah oo ka timid beesha caalamka, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in si ku-meel-gaar ah loo dhaafay canshuuraha qaar ka mid ah badeecooyinka aas aasiga ah oo ay cuntada ugu horeyso; soo bandhigidda nidaamka xawilaadda lacagta ee loogu talagalay kuwa ugu nugul, Barnaamijka Baxnaano iyo daahfurka xarun amaah ah, Gargaara, oo loogu talagalay shirkadaha yaryar, iyo kuwa dhexdhexaadka ah, si sare loogu qaado dhakhliga gudaha”.

Howlwadeenada ka socotay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), ayaa kulamo gaar gaar la qaatay Wasiirada Maaliyadda mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Dastuurka mudane Saalax Axmed Jaamac, Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Macdanta mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed, Boostada Mudane Cabdi Canshuur Xasan, Guddoomiyaha Bankigaga Dhexe mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo mas’uuliyiin kale kuwaasi oo ay uga mahadceliyeen kaalinta wada shaqeyn ee ay ka qaataan hannaanka dib-u-eegidda Barnaamijka ‘ECF’ oo ay Soomaaliya uga gudubtay wajigiisii 1aad.

Warbixinta ay soo saartay hay’adda lacaggta adduunka waxa ay Soomaaliya ku amaantay sida ay uga go’an tahay ka guul gaarista deyn cafinta xili lagu jiray marxalad adag oo ka dhalatay cudurka safmarka ah ee COVID-19 oo sababay hoos u dhac dhaqaale.

Dhanka kale Sii-hayaha Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Hey’adaha lacagta adduunka (IMF) waxaana uu sharxay sida ay u dhaceen waadahadaladii u dambeeyay.

Wasiir Beyle waxa uu tilmaamay in tani ay muujinayso dadaalka dowladda ee ka guul gaariska wadahdalka, wuxuuna ku amaanay Madaxweynaha iyo hey’adaha dowladda kaalinta ay ka qaateen arrintan..

Bishii Maarso ee sanadkan ayay Hey’adaha dhaqaalaha ee caalamka waxay qireen in Soomaaliya ay mudan tahay in deymaha laga cafiyo kaddib markii ay ka gudubtay shuruudihii ku xirnaa wadahadalka wajigiisa hore ee soo socday sanooyinkii la soo dhaafay, waxaana ay ku timid kobcinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta maamulka maaliyadda dalka oo ay garwadeyn ka aheyd Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Marwada Koowaad Ee Dalka Oo Iclaamisay Olole Nadaafadeed Oo Isxilqaan Ah “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeybgalay Meertada 75-Aad Ee Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeybgalay Meertada 75-Aad Ee Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeybgalay Meertada 75-Aad Ee Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay+Sawirro

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In