RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay horumar muuqda ka sameysay dhinaca dhijitaalka, isla markaana ay dalal badan kaga horreyso adeegsiga iyo hirgelinta adeegyada casriga ah ee dowladda.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa xusay in ay jiraan dalal badan oo hadda hiigsanaya inay soo gaaraan heerka ay Soomaaliya ka joogto isbeddelka dhanka dhijitaalka, taas oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa dadaalka iyo horumarka ay sameysay dowladda Federaalka.
Sidoo kale, Saalax Axmed Jaamac ayaa shaaca ka qaaday qorshe cusub oo lagu mideynayo adeegyada dowladda, isagoo tilmaamay in sanadka soo socda la doonayo in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu hal meel ka wada heli karo adeegyada muhiimka ah ee dowladda, sida warqadda dhalashada, warqadda guurka iyo adeegyo kale oo dowladeed.
Ra’iisul wasaare kuxigeenk ayaa Wuxuu carrabka ku adkeeyay in tallaabadan ay fududeyn doonto helitaanka adeegyada aas-aasiga ah, isla markaana ay sare u qaadi doonto hufnaanta iyo daahfurnaanta hay’adaha dowladda.
dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beryahan waday dadaal xooggan oo ay ku bixinayso casriyeynta adeegyada dadweynaha iyo kobcinta nidaamka dhijitaalka ee dalka.










