Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soonku:- waa Cibaado iyo Caafimaad

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Soonku:- waa Cibaado iyo Caafimaad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ramadaanku waa Bil uu Allaah (SW) nagu waajib yeelay in aan Soonno, si aan uga Faa’iideysano Nicmooyin fara badan oo noogu dhex kaydsan, ee looma soo dajin in aan baahanno ama aan haraadno.

 

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Hadaba waxaa aad loogu baahan yahay inaan garanno ujeedooyinka iyo Xikmadaha loo Sharciyeeyay Ramadaanka si Nafteena ugu raaxaysato uguna faraxdo gaaritaanka Bishaan Barakeysan, sidaa dartead waxaa laga maarmaan ah inaan wax ka tilmaano Xikamadaha qaar ee loo jideeyay Soonka Ramdaanka waxaana ka mid ah xikmadda caafimaad oo ku jirta Soonka.

Cilmi baaris uu sameeyay Dr. Yoshinori Ohsumi oo ah dhaqtar u dhashay dalka Japan oo ku takhasusay sida uu jirka aadanuhu u shaqeeyo(Physiology) ayuu ku ogaaday in markii uu qofku gaajoodo uu jirkiisu bilaabayo inuu cuno Carbohydrates-ka iyo dufanka ku keydsan unugyada jirka, taas oo keeneysa in uu jirku is nadiifiyo oo uu iska saaro unugyada keena Kansarka, Duqnimada, Asaasaqa,Sokorta, Cadaadiska-dhiigga, iyo Cudurrada ku dhaca Wadnaha, iyo in jirka laga saaro Cholesterolka iyo Cusbooyinka aan loo baanheyn ee dheeraadka ku ah.

Is cunidda jirka (Autophagy) waxay bilaabaneysaa haddii uu qofku shaqeeyo 8-saacadood xiriir ah oo uusan wax cunin, uuna sidaas joogteeyo dhowr maalmood, si aysan unugyadii dhintay fursad ugu helin in ay dib usoo noolaadaan.

Dr. Yoshinori Ohsumi wuxuu ku talinayaa in uu qofku is gaajeysiiyo oo uusan wax cunin ugu yaraan 8 ilaa 16-saacadood oo xiriir ah 2 ilaa 3 maalmood todobaadkiiba, wuxuuna sidoo kale soo jeedinayaa in uu sidaas joogteeyo halbilooxiriirsanadkiiba.

Dr.Yoshinori Ohsumi oo ah bare sare oo wax ka dhiga machadka diraasaaadka hal-abuurka ee Jaamacadda Tokyo ee dalka Japan wuxuu Cilmi baaristaan darted uu mutaystay shahaadada caalamiga ah ee Nobel Prize-kaeedhankaCaafimaadkasanadkii2016-kii

Cilmibaarista dhaqtarkaan lagu abaal-mariyay 2-sano kahor waxay diinteenna Islaamku na fartay 1440-sano ka hor, waana tiir ka mid ah tiirarka Islaamka in uu qofku Muslimka ahi Soomo 30 maalmood oo xiriir ah ka sanad kasta, Nabigeenna naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaate wuxuu jideeyay Soonka 2 maalmood todobaaakiiba(Isniin iyo Khamiis), iyo Soonka maalmaha cacad oo ah 13ka, 14ka iyo 15ka (Ayaamul- Biidh) bilkasta.

Xanuunada Soonku gaashaanka uga noqon karo aadamaha, waxaa ka mid ah, xanuunada maskaxda ku dhaca ee saamaynta ku yeesha unugyada difaaca ee dhiiga. Xanuunadan ayaa waxa ka mid ah ama ugu horeeya, cudurka Asaasaqa ee afka qalaad loogu yiraahdo, “Alzheimer’s iyo xanuunka dhinac qalalka ee “Parkinson’s disease”la yiraahdo, sida cilmi baaris lagu ogaaday, laba maalmood oo isku xigta qofka Sooma, waxa awoodaysta qaybaha difaaca ee caawiya, neerfayaasha, halka hoos u dhac wayni ku dhaco qandhada iyo kor u kaca dhiiga ee aan caadiga ahayn.

Daraasad caafimaad ayaa sidoo kale iftiimisay, Soonka Toban maalmood oo is xiga qofka soomaa, inay ka yarayso, xanuunada lafaha ku dhaca ee Roomatiisanka loo yaqaan, kaas oo inta badan ku dhaca dadka waaweyn, Khabiirradan ayaa la dhaygagay faa’iidooyinka caafimaad ee tirada badan ee Soonka ku jira, kuwaas oo taabanaya dhinac kasta oo nolosha aadamaha quseeya, heerka waxtarkiisu gaarsiisan yahayna aan la qiiyaasi karin.

Soonku waxa uu dib u cosbooneysiiyaa shaqada Beeryaraha; sidaa darteed muddooyin bilo ah ayuu kaa fogeynayaa inuu kugu dhaco cudurka Sonkorowga, sidaa oo kale Soonku waxa uu jirka ka nadiifiyaa maadaama Nicotine taas oo u sahleysa dadka sigaarka cabbaa iney ka go’aan caadadaas xun.

Soonku waxa uu fursad fiican u yahay in jirku uu helo fursad uu ku nasto oo waxyaabaha haraadiga ah uu iskaga qashin saaro, waxa uu sahlaa habeynta shaqada Habdhiska Dheefshiidka, waxaanuu dhimaa miisaanka culus ee qofka, sidoo kale Soonku wuxuu jirka  ka garabsiiyaa inuu iska nadiifiyo unugyada dhintay iyo kuwa xanuunsan, si tartiib tar tiib ah ayuu jirku suntaan isaga saaraa, maalmaha soonka illaa jirku uu awood u yeesho inuu dibadda u saaro suntii sanado badan jirkaaga ku raagtay, isbuucyo ka dib jirku waxa uu bilaabayaa inuu nadiifiyo xididada dhiigga ee maskaxda, sunta marka jirka laga nadiifiyo habdhiska difaaca jirka waxa uu dib u soo ceshanayaa firfircoonidiisa.

Bisha Ramadaanka oo la soomo waa fursad dambi-dhaaf iyo naar-ka-xoreyn oo uu Alle dad badan uga xoreynayo Naarta iyo kulaylkeeda. Sidoo kalana waa fursad caafimaad oo ay dad badan uga badbaadayaan Cudurro halis ah oo haya ama kusoo fool leh.
Eebe ha inooga dhigo maalmo nabdoon iyo habeenno xasilloon. Allow nagu dar kuwa Soonkaan ka faa’iideysta, aadna ugu deeqdo raxmad, dambi-dhaaf iyo naar-ka-xoreyn.

Waxaa qoray: Hussein Sabrie

Waxaa dib u habeeyay:- Abukar Gobdoon

Previous Post

Wasiirada Arrimaha dibada IGAD oo shir aan caadi ahayn uga furmay magaalada Jubba ee Koon-furta Sudan +Sawirro

Next Post

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda FS oo maanta xilka la wareegay+Sawirro

Next Post
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda FS oo maanta xilka la wareegay+Sawirro

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda FS oo maanta xilka la wareegay+Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In