Sunday, May 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sugidda amniga waa masuuliyad wadareed

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaaraysay weerarkii argagaxiso ee Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026

Sida sunnada ah aadanuhu kama sinna hab fekerka,dhaqanka,aragtida iyo go’aan qaadashada,waxaana sidoo kale aysan isku si u aqoon waxyaabaha qaar,waana samayska rabbi ugu tala galay kala duwananshaha adoomadiisa.

 

Amnigu wuxuu ka mid yahay waxyabaha ugu muhiimsan nolosha,horumarka,       waxbarashada, kobaca dhaqan dhaqaale iyo halbeegyada nolosha,dalkeena Soomaaliya waxaa uu soo maray marxalado kala duwan oo mid walba ay lahayd duruufo u gaar ah,mid walba waxaa looga soo gudbay si qorshaysan.maantana waxaan dhex maquuranaynaa kuwo ka duwan kuwii hore oo loo baahan yahay in looga gudbo iskaashi, waxaana lagama maarmaan ah in muwaadin walba oo soomaaliyeed uu kaalinta kaga banaan ka qaato, isagoo aan cid kale ku riixeen ka qaybqaadashada masuuliyad wadareed qof walba oo Soomaali ah garbaha u saaran.

sidee loo sugi kara amniga dalka?Waa su’aal Muhiim ah oo qof walba sida ay la tahay uu uga jawaabayo, balse waxaa dhabtu tahay in loo fahmo in ay tahay masuuliyad la wada leeyahay, tusaale ciidamada waa awooddii ama ceelalyadii amniga oo waxaa saaran masuuliyadda koowaad, Shacbiga waa badwayntii ay ku dhexdabaalayeen sida ay horay u sheegeen fidnawadayaasha waxaana looga baahan yahay shacbiga in ayku dhiiradaan in ay tilmaamaan goobaha ay gabaadka ka dhiganayaan, kaalinta culumada waa in ay xaqa iftiimiyaan bulshadana u soo bandhigaan fasirka saxda ah ee diinta si looga hortago afkaarta Takfiiriga ah ay argagixisadu faafinayso, Haweenka waxaa looga baahan yahay in kaalintii lagu yaqaanay ee hormoodnimo ka qaataan taakulaynta ciidamada, sidaa darted waxaa lagama maarmaan ah in si wada jir ah la isaga kaashado meelmarinta qorshayaasha amniga.

Dalkeenu wuxuu leeyahay ciidan amniga ka shaqeya oo leh sida Xoogga dalka,Booliska,Asluubta iyo Nabad sugida,inta ugu muhiimsan waxaa ay joogaan Muqdisho oo ah caasimadii dalka, waxaa hubaal ah haddii qof walba uu masuuliyad isa saaro oo uu u arko in amniga la wada leeyahay waxaa muddo kooban gudahood lagu guulaysan doonaa in lagu naaloodo amni la isku halayn karo

Hadaba si aynu u sugno amniga maxaan u baahanahay?

1-Waa in la howl galiya shacabka degan xaafadaha laguna dhiiro galiyaa la socodka cid walba oo caasimadda ku sugan gaar ahaan guri walba.

2-Waa in la hela ciidan sirdoon oo dhar cad ah oo iyaga xataa aan is aqoon oo ka dhex shaqeeya degmooyinka kuwasoo toos u hoos taga gudoomiyayaasha degmooyinka

3-In la xoojiyo Booliska jooga saldhigyada iyo rugaha kale loona dhameystiro agabkii shaqada.

4-In meel walba lagu xiro kaamiradaha qarsoon si loola socdo dhaq dhaqaaqa magaalada.

5-In la diiwaan galsho shacabka ku dhaqan degmo walba oo gobolka Banaadir ka tirsan loona sameeyo Documenti.

6-In la tirakoobo garaashyada lana hubiyo cidda masuulka ka ah iyo howlaha lagu qabto

7-In la kordhiyo dhaqaalaha degmooyinka la siiyo si ay u helaan dad xogta la wadaaga una abaalmariyaan ciddii xog amni oo muhiim ah ay ka helaan.

Intaan kuma filna oo kaliya sugidda amniga magalooyinka,waxaana ugu muhiimsan waa in shacab ahaan loo abaabula howl gal walba oo ka dhan ah amni darrada iyo in sare loo qaado wacyiga bulshada si ay aragti dheer ugu yeeshaan dhaqarqabayaasha amni darrada ka shaqeeya.

Qiyaasta tirada dadkeenna75% waa dhalinyaro marka la eego tiradaas intaas la eg waxaa shaqo la’aan ah boqolkiiba 55%, taasina waxay horseedi kartaa in ay noqoto fursad ay ka faa’iideysan karaan dhagarqabayaasha, taasi badalkeeda waxaa loo baahan yahay in dhalinyarada dowladdu uga faa’idaysato ilaalinta amniga, dhanka kalana u noqonaysa shaqo abuur.

Talo walba oo amniga la xiriirta qof un bay ka imaan lahayd, waxaa maalmahaan danbe muuqda dad Amniga siyaasadaynaya, taasi oo aan danta dalka iyo dadka ku jirin, cidda  kaliya ee khilaafka iyo tafaraaruqa ka faa’daysanaysa waa argagixisada jid iyo jaho diidka ah.

Gunaanadka Qormadayda waxaa lagama maarmaan ah in si wadajir ah amniga looga wada shaqeeyo, si dalkeenna uga soo kabto duruufihii adkaa ee uu soo maray, ugana faa’iidaysto khayraadka dihin ee dhex ceegaaga.

W/Q. Sharma’arke Max’ed Warsame

Previous Post

Isbaddel lagu sameeyay qaab dhismeedka Hogaanka Ciidanka Xoogga Dalka

Next Post

Horjoogihii Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Waardiyihiisii gaarka ahaa oo isku soo dhiibay Ciidanka Xooga dalka+Sawirro

Next Post
Horjoogihii Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Waardiyihiisii gaarka ahaa oo isku soo dhiibay Ciidanka Xooga dalka+Sawirro

Horjoogihii Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Waardiyihiisii gaarka ahaa oo isku soo dhiibay Ciidanka Xooga dalka+Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii...

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali ayaa maanta magaalada...

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad si heer sare...

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa si faahfaahsan u sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In