Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sugidda amniga waa masuuliyad wadareed

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaaraysay weerarkii argagaxiso ee Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Sida sunnada ah aadanuhu kama sinna hab fekerka,dhaqanka,aragtida iyo go’aan qaadashada,waxaana sidoo kale aysan isku si u aqoon waxyaabaha qaar,waana samayska rabbi ugu tala galay kala duwananshaha adoomadiisa.

 

Amnigu wuxuu ka mid yahay waxyabaha ugu muhiimsan nolosha,horumarka,       waxbarashada, kobaca dhaqan dhaqaale iyo halbeegyada nolosha,dalkeena Soomaaliya waxaa uu soo maray marxalado kala duwan oo mid walba ay lahayd duruufo u gaar ah,mid walba waxaa looga soo gudbay si qorshaysan.maantana waxaan dhex maquuranaynaa kuwo ka duwan kuwii hore oo loo baahan yahay in looga gudbo iskaashi, waxaana lagama maarmaan ah in muwaadin walba oo soomaaliyeed uu kaalinta kaga banaan ka qaato, isagoo aan cid kale ku riixeen ka qaybqaadashada masuuliyad wadareed qof walba oo Soomaali ah garbaha u saaran.

sidee loo sugi kara amniga dalka?Waa su’aal Muhiim ah oo qof walba sida ay la tahay uu uga jawaabayo, balse waxaa dhabtu tahay in loo fahmo in ay tahay masuuliyad la wada leeyahay, tusaale ciidamada waa awooddii ama ceelalyadii amniga oo waxaa saaran masuuliyadda koowaad, Shacbiga waa badwayntii ay ku dhexdabaalayeen sida ay horay u sheegeen fidnawadayaasha waxaana looga baahan yahay shacbiga in ayku dhiiradaan in ay tilmaamaan goobaha ay gabaadka ka dhiganayaan, kaalinta culumada waa in ay xaqa iftiimiyaan bulshadana u soo bandhigaan fasirka saxda ah ee diinta si looga hortago afkaarta Takfiiriga ah ay argagixisadu faafinayso, Haweenka waxaa looga baahan yahay in kaalintii lagu yaqaanay ee hormoodnimo ka qaataan taakulaynta ciidamada, sidaa darted waxaa lagama maarmaan ah in si wada jir ah la isaga kaashado meelmarinta qorshayaasha amniga.

Dalkeenu wuxuu leeyahay ciidan amniga ka shaqeya oo leh sida Xoogga dalka,Booliska,Asluubta iyo Nabad sugida,inta ugu muhiimsan waxaa ay joogaan Muqdisho oo ah caasimadii dalka, waxaa hubaal ah haddii qof walba uu masuuliyad isa saaro oo uu u arko in amniga la wada leeyahay waxaa muddo kooban gudahood lagu guulaysan doonaa in lagu naaloodo amni la isku halayn karo

Hadaba si aynu u sugno amniga maxaan u baahanahay?

1-Waa in la howl galiya shacabka degan xaafadaha laguna dhiiro galiyaa la socodka cid walba oo caasimadda ku sugan gaar ahaan guri walba.

2-Waa in la hela ciidan sirdoon oo dhar cad ah oo iyaga xataa aan is aqoon oo ka dhex shaqeeya degmooyinka kuwasoo toos u hoos taga gudoomiyayaasha degmooyinka

3-In la xoojiyo Booliska jooga saldhigyada iyo rugaha kale loona dhameystiro agabkii shaqada.

4-In meel walba lagu xiro kaamiradaha qarsoon si loola socdo dhaq dhaqaaqa magaalada.

5-In la diiwaan galsho shacabka ku dhaqan degmo walba oo gobolka Banaadir ka tirsan loona sameeyo Documenti.

6-In la tirakoobo garaashyada lana hubiyo cidda masuulka ka ah iyo howlaha lagu qabto

7-In la kordhiyo dhaqaalaha degmooyinka la siiyo si ay u helaan dad xogta la wadaaga una abaalmariyaan ciddii xog amni oo muhiim ah ay ka helaan.

Intaan kuma filna oo kaliya sugidda amniga magalooyinka,waxaana ugu muhiimsan waa in shacab ahaan loo abaabula howl gal walba oo ka dhan ah amni darrada iyo in sare loo qaado wacyiga bulshada si ay aragti dheer ugu yeeshaan dhaqarqabayaasha amni darrada ka shaqeeya.

Qiyaasta tirada dadkeenna75% waa dhalinyaro marka la eego tiradaas intaas la eg waxaa shaqo la’aan ah boqolkiiba 55%, taasina waxay horseedi kartaa in ay noqoto fursad ay ka faa’iideysan karaan dhagarqabayaasha, taasi badalkeeda waxaa loo baahan yahay in dhalinyarada dowladdu uga faa’idaysato ilaalinta amniga, dhanka kalana u noqonaysa shaqo abuur.

Talo walba oo amniga la xiriirta qof un bay ka imaan lahayd, waxaa maalmahaan danbe muuqda dad Amniga siyaasadaynaya, taasi oo aan danta dalka iyo dadka ku jirin, cidda  kaliya ee khilaafka iyo tafaraaruqa ka faa’daysanaysa waa argagixisada jid iyo jaho diidka ah.

Gunaanadka Qormadayda waxaa lagama maarmaan ah in si wadajir ah amniga looga wada shaqeeyo, si dalkeenna uga soo kabto duruufihii adkaa ee uu soo maray, ugana faa’iidaysto khayraadka dihin ee dhex ceegaaga.

W/Q. Sharma’arke Max’ed Warsame

Previous Post

Isbaddel lagu sameeyay qaab dhismeedka Hogaanka Ciidanka Xoogga Dalka

Next Post

Horjoogihii Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Waardiyihiisii gaarka ahaa oo isku soo dhiibay Ciidanka Xooga dalka+Sawirro

Next Post
Horjoogihii Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Waardiyihiisii gaarka ahaa oo isku soo dhiibay Ciidanka Xooga dalka+Sawirro

Horjoogihii Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Waardiyihiisii gaarka ahaa oo isku soo dhiibay Ciidanka Xooga dalka+Sawirro

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In