Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Suxufiyiin loo furay tababar ku saabsan la dagaallanka fikirka xagjirka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Suxufiyiin loo furay tababar ku saabsan la dagaallanka fikirka xagjirka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aqoon isweydaarsi ku saabsan la dagaallanka fikirka argagixisada iyo badqabka suxufiga oo ay ka qeybgalayaan illaa 40 Suxufii oo kala socda Warbaahinta Qaranka, Warbaahinta gobolka Banaadir, Warbaahinta dowlad Gobaleedyada iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa maanta uga furmay magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo socon doona labo maalin ayaa waxaa iska kaa shanaya Waaxda Wacyigalinta ladagaallanka fikirka xagjirka ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka iyo shirkadda Albany oo qabata tababarada wacyigalinta iyo saxaafadda.

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026

Tababarka ayaa waxaa furay Agaasimaha Guud ee Warfaafinta gobolka Banaadir Cabdillaahi Wiish oo sheegay tababarkan inuu qayb ka yahay sidii kor loo qaadi lahaa fikirka la dagaallanka Khawaarijta.

Tababarayaasha siminaarka bixinaya ayaa weriyayaasha iyo dad kale ee tababarka ka qeybgalaya la wadaagay khibradooda ku aadan meelaha ay ka soo shaqeeyeen sida Afghanistan iyo Ciraaq iyo sida loo tebiyo wararka ladagaallanka xagjirka iyo dhibaatooyinka ay geestaan xagjiriinta.

Ugu dambeyn tababarka waxaa lagu soo bandhigay warbixin guud oo ku saabsan  waxa ay qabato hay’adda dhaqancelinta Qaranka (DRC).

Heyadda ayaa sheegtay in ilaa shan xarumood ay ku lee yihiin dalka oo lagun dhaqan celiyo kuwa ka soo goosta kooxda Al Shabaab. Xaruntoodana ay yimaadeen tan iyo markii la dhisay lix kun oo qof ay ka soo goosteen kooxda Al Shabaab.

 



Previous Post

Cali Guudlaawe oo kormeeray xaafadaha uu ku fatahay Wabiga Shabeelle

Next Post

Wasiirka Qorsheynta XFS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dhaqan-gelinta qorshaha horumarinta “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Qorsheynta XFS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dhaqan-gelinta qorshaha horumarinta “SAWIRRO”

Wasiirka Qorsheynta XFS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dhaqan-gelinta qorshaha horumarinta "SAWIRRO"

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In