Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

TAARIIKH: Halgamaa C/qaadir Cali Boolaay

admin by admin
April 4, 2020
in Maqaallo, Wararka
0
TAARIIKH: Halgamaa C/qaadir Cali Boolaay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabduqaadir Cali Maxamed oo ku magac dheeraa Boolaay waxaa uu ku dhashay 17-kii febraayo 1930-kii, magaalada Muqdisho gaar ahaan ย degmada Xamarweyne meel u dhow masjidka Jaamac oo ka mid ah masaajida ugu facaweyn Soomaaliya.

Waxaa uu ka mid ahaa aas aasayaashii saxaafadda Soomaaliya waxa uuna Waxbarashadiisa aas aasiga aheed ku soo qaatay iskuulka Xamarjajab.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

1946-kii ayuu bilaabay ka shaqeynta Boostada iyo Isgaariinta xarun gumeystuhu lahaa oo ku taalay degmada Shangaani, 15-kii bishii febraayo sanadkii 1947-kii ayuu ku biiray xisbigii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL,isaga oo ka mid noqday hosreedkii xornimo gaarsiinta Soomaaliya,

Sida uu ku qoray buugiisa halgamaa Dr Cabduqaadir Cali Maxamed (Boolaay) waxaa gacan ka siiyay ku biiristiisii xisbig gobanima doonka,halgamayaashii Yaasiin Xaaji Cusmaan Iyo xaaji Maxamed Xuseen oo saaxib dhow la ahaan aabbihiis Cali Maxamed Cusmaan (Cali Boolaay) oo ahaa ganacsade caan ah,.

1952-kii ayaa waxaa uu ka mid noqday 19 arday Soomaaliyeed oo xiligaasi waxbarasho dibadda ka helay Dowladda Talyaaniga,waxaana barashada luqadda Talyaaniga kadib uu ku soo taqasusay saxaafadda iyo arrimaha Bulshada oo uu shahaado ka soo qaatay..

1954-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay waxaana 15 maalmood kadib loo magacaabay Agaasimihii qeybta taleefanada ee wasaaradda Boostada iyo isgaariintaย  oo xiligaasi uu Agaasime ka ahaa nin Talyaani ah..

Isla sanadkii 1954-kii waxaa loo doortay xoghayihii guud ee urur weynaha shaqaalaha Soomaaliyeed, 1955-kii ururkaasi ayaa ka qeyb galayย  shirkii shaqaalaha caalamka, waxaana isla sanadkii xigay uu urur weynihii shaqaalaha Soomaaliyeed ku matalay shirkii urur weynihii shaqaalaha Afrika ,kaasi oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay qaateen shaqaalaha qaaradda Africa.

Sanadku markii uu ahaa 1957-kii waxaa uu marti qaad ka helay ururka shaqaalaha Soomaaliyeddย  urur weynihii shaqaalahaย  aduunka ,kaasi oo uu Soomaaliya ku matalay xiligaasi Rabbi ha u naxariistee Dr Cabduqaadir Cali Maxamed Boolaay.

Sanakii 1958-kii ayaa loo doortay xubin ka mid ah guddi hoosaadkii xisbigii SYL.

Intuu ahaa xoghayihii ururka shaqaalaha waxaa u sii dheeraa u qaabilasanaha Xisbigii SYL ee ย wargeysyada iyo idaacadaha ,iyadoo waqtigaasi lagu guuleystay in la helo Wargeys ku hadla Afka Xisbigii gobanimo doonka oo lagu magcaabi jiray Union ama midnimo,waxaana uu qorijiray qeybta afka Talyaaniga.

Isla sanadkii 1958-kii waxaa uu sidoo kale kasoo shaqeeyayย  Wargeyskii Corriere Dalla Somalo,oo uu madax ka ahaaย  Carlo Berttaloni.

Bishii April 1960-kii ayuu iska casilay xilkii uu u hayay ururkii shaqaalaha Soomaaliyeed,isaga oo doonayay inuu xoogga saaro ka shaqeynta Wargeysyadii xiligaasi soo bixi jiray.

Sanadkii 1960 ayuu booqday daarta ay ku shaqeyso BBC,halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay Xaaji Cusmaan Faarax oo ka wareystay xurnimadii Soomaaliya iyo guulihii laga gaaray midnimadii ummadda, si wanaagsan ayuu uga waramay xornimada waxaana markii uu dalka dib ugu soo laabtay garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya ee xiligaas Cali Maxamed Hiraabe oo ugu hambalyeeyay sidii wanaagsaneed ee uu ugu waramay BBC-da

Bishii December ee sanadkii 1960-kii ย Waxaa uu ka mid ahaa howl wadeenadii lagu aas aasay Wasaaradda Warfaafinta oo markaasi ka koobneed, Afar waaxood oo kala ahaa.

  • Waaxda Radio Muqdisho
  • Waaxda qorsheynta
  • Waaxda qoraaladda
  • Iyo Waaxda diyaarinta ,taasi oo qaabilsaneed soo uruurinta wararka wakaaladaha caalamka, Waxaa, uu mar soo noqday Agaasimihii Wargeyska Corriere dalla Somalo

1969-kii Markii ay dowladii kacaanka milateriga ay wadanka la wareegtay waxaa la bedelay magacii wargeyskii Corriere dalla Somalo oo lagu bedelay wargeyskii Xidigta October , xiligaas uu Agaasime kasoo noqday.

1979-kii waxaa loo doortay 30-kii xubnood ee golihii shacbiga ee Xamar,waxaana xilkaasi loo dhaariyay sanadkii 1980-kii,shirkii ugu horeeyay golahaasi waxaa loogu doortay guddoomiyaha Arrimaha Bulshada iyo deegaanka Muqdisho.

Sanadhii 1989-kii ayaa loo magacaabay kuxigeenkii duqa Muqdisho ee arrimaha bulshada oo uu hayay ilaa ay ka burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo hogaaminayay Janaraal Maxamed Siyaad Barre.

Burburkii dowladii dhexe kadib ย waxaa uu qeyb ka ahaa dhaq-dhaqaaqii dib usoo unkida ย Dowladnimada Soomaaliya,oo uu ย kaalin wanaagsan ka ย qaatay,allaha u naxariitee Dr Cabduqaadir Cali Maxamed (Boolaay)

FG:Qoraalka Taariikhda Halgamaa Cabduqaadir Boolaay waxaan ka soo xigtay buugaย  Halgankii SYL & SNL.

Qore:Cabdishakuur Cali Axmed

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyaysay geerida Cabduqaadir Boolaay

Next Post

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka tacsiyeeyay geerida Halgamaa C/qaadir Cali Boolaay

Next Post
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka tacsiyeeyay geerida Halgamaa C/qaadir Cali Boolaay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka tacsiyeeyay geerida Halgamaa C/qaadir Cali Boolaay

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In