Thursday, February 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

TAARIIKH: Halgamaa C/qaadir Cali Boolaay

admin by admin
6 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
TAARIIKH: Halgamaa C/qaadir Cali Boolaay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabduqaadir Cali Maxamed oo ku magac dheeraa Boolaay waxaa uu ku dhashay 17-kii febraayo 1930-kii, magaalada Muqdisho gaar ahaan  degmada Xamarweyne meel u dhow masjidka Jaamac oo ka mid ah masaajida ugu facaweyn Soomaaliya.

Waxaa uu ka mid ahaa aas aasayaashii saxaafadda Soomaaliya waxa uuna Waxbarashadiisa aas aasiga aheed ku soo qaatay iskuulka Xamarjajab.

Related posts

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

February 12, 2026
Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo Qaar ka mid ah Ciidanka XDS ka saaray liiska Ciidannimada

Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo Qaar ka mid ah Ciidanka XDS ka saaray liiska Ciidannimada

February 12, 2026

1946-kii ayuu bilaabay ka shaqeynta Boostada iyo Isgaariinta xarun gumeystuhu lahaa oo ku taalay degmada Shangaani, 15-kii bishii febraayo sanadkii 1947-kii ayuu ku biiray xisbigii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL,isaga oo ka mid noqday hosreedkii xornimo gaarsiinta Soomaaliya,

Sida uu ku qoray buugiisa halgamaa Dr Cabduqaadir Cali Maxamed (Boolaay) waxaa gacan ka siiyay ku biiristiisii xisbig gobanima doonka,halgamayaashii Yaasiin Xaaji Cusmaan Iyo xaaji Maxamed Xuseen oo saaxib dhow la ahaan aabbihiis Cali Maxamed Cusmaan (Cali Boolaay) oo ahaa ganacsade caan ah,.

1952-kii ayaa waxaa uu ka mid noqday 19 arday Soomaaliyeed oo xiligaasi waxbarasho dibadda ka helay Dowladda Talyaaniga,waxaana barashada luqadda Talyaaniga kadib uu ku soo taqasusay saxaafadda iyo arrimaha Bulshada oo uu shahaado ka soo qaatay..

1954-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay waxaana 15 maalmood kadib loo magacaabay Agaasimihii qeybta taleefanada ee wasaaradda Boostada iyo isgaariinta  oo xiligaasi uu Agaasime ka ahaa nin Talyaani ah..

Isla sanadkii 1954-kii waxaa loo doortay xoghayihii guud ee urur weynaha shaqaalaha Soomaaliyeed, 1955-kii ururkaasi ayaa ka qeyb galay  shirkii shaqaalaha caalamka, waxaana isla sanadkii xigay uu urur weynihii shaqaalaha Soomaaliyeed ku matalay shirkii urur weynihii shaqaalaha Afrika ,kaasi oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay qaateen shaqaalaha qaaradda Africa.

Sanadku markii uu ahaa 1957-kii waxaa uu marti qaad ka helay ururka shaqaalaha Soomaaliyedd  urur weynihii shaqaalaha  aduunka ,kaasi oo uu Soomaaliya ku matalay xiligaasi Rabbi ha u naxariistee Dr Cabduqaadir Cali Maxamed Boolaay.

Sanakii 1958-kii ayaa loo doortay xubin ka mid ah guddi hoosaadkii xisbigii SYL.

Intuu ahaa xoghayihii ururka shaqaalaha waxaa u sii dheeraa u qaabilasanaha Xisbigii SYL ee  wargeysyada iyo idaacadaha ,iyadoo waqtigaasi lagu guuleystay in la helo Wargeys ku hadla Afka Xisbigii gobanimo doonka oo lagu magcaabi jiray Union ama midnimo,waxaana uu qorijiray qeybta afka Talyaaniga.

Isla sanadkii 1958-kii waxaa uu sidoo kale kasoo shaqeeyay  Wargeyskii Corriere Dalla Somalo,oo uu madax ka ahaa  Carlo Berttaloni.

Bishii April 1960-kii ayuu iska casilay xilkii uu u hayay ururkii shaqaalaha Soomaaliyeed,isaga oo doonayay inuu xoogga saaro ka shaqeynta Wargeysyadii xiligaasi soo bixi jiray.

Sanadkii 1960 ayuu booqday daarta ay ku shaqeyso BBC,halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay Xaaji Cusmaan Faarax oo ka wareystay xurnimadii Soomaaliya iyo guulihii laga gaaray midnimadii ummadda, si wanaagsan ayuu uga waramay xornimada waxaana markii uu dalka dib ugu soo laabtay garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya ee xiligaas Cali Maxamed Hiraabe oo ugu hambalyeeyay sidii wanaagsaneed ee uu ugu waramay BBC-da

Bishii December ee sanadkii 1960-kii  Waxaa uu ka mid ahaa howl wadeenadii lagu aas aasay Wasaaradda Warfaafinta oo markaasi ka koobneed, Afar waaxood oo kala ahaa.

  • Waaxda Radio Muqdisho
  • Waaxda qorsheynta
  • Waaxda qoraaladda
  • Iyo Waaxda diyaarinta ,taasi oo qaabilsaneed soo uruurinta wararka wakaaladaha caalamka, Waxaa, uu mar soo noqday Agaasimihii Wargeyska Corriere dalla Somalo

1969-kii Markii ay dowladii kacaanka milateriga ay wadanka la wareegtay waxaa la bedelay magacii wargeyskii Corriere dalla Somalo oo lagu bedelay wargeyskii Xidigta October , xiligaas uu Agaasime kasoo noqday.

1979-kii waxaa loo doortay 30-kii xubnood ee golihii shacbiga ee Xamar,waxaana xilkaasi loo dhaariyay sanadkii 1980-kii,shirkii ugu horeeyay golahaasi waxaa loogu doortay guddoomiyaha Arrimaha Bulshada iyo deegaanka Muqdisho.

Sanadhii 1989-kii ayaa loo magacaabay kuxigeenkii duqa Muqdisho ee arrimaha bulshada oo uu hayay ilaa ay ka burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo hogaaminayay Janaraal Maxamed Siyaad Barre.

Burburkii dowladii dhexe kadib  waxaa uu qeyb ka ahaa dhaq-dhaqaaqii dib usoo unkida  Dowladnimada Soomaaliya,oo uu  kaalin wanaagsan ka  qaatay,allaha u naxariitee Dr Cabduqaadir Cali Maxamed (Boolaay)

FG:Qoraalka Taariikhda Halgamaa Cabduqaadir Boolaay waxaan ka soo xigtay buuga  Halgankii SYL & SNL.

Qore:Cabdishakuur Cali Axmed

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyaysay geerida Cabduqaadir Boolaay

Next Post

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka tacsiyeeyay geerida Halgamaa C/qaadir Cali Boolaay

Next Post
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka tacsiyeeyay geerida Halgamaa C/qaadir Cali Boolaay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka tacsiyeeyay geerida Halgamaa C/qaadir Cali Boolaay

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

February 12, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo booqasho rasmi ah ku...

Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo Qaar ka mid ah Ciidanka XDS ka saaray liiska Ciidannimada

Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo Qaar ka mid ah Ciidanka XDS ka saaray liiska Ciidannimada

February 12, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed la socodsiinaysaa in, kaddib baaritaanno iyo tallaabooyin anshaxeed oo...

Shirkii 5aad ee Madasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee Mashruuca SERP oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi

Shirkii 5aad ee Madasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee Mashruuca SERP oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi

February 12, 2026
0

Nairobi, Febraayo 12, 2026 — Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Nairobi loogu soo gabagabeeyay Shirkii 5aad ee Madasha Dowladda...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga AGA

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga AGA

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga (AGA), kaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In