Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taariikh Nololeed Marxuum Abwaan Sangub

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Taariikh Nololeed Marxuum Abwaan Sangub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taariikh Nololeed AHU Abwaan Sangub haddaan wax ka taa-taabano, Abwaanka Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Sangub), wuxuu ka mid ahaa Abwaanada ugu horeeya hal-abuurka Soomaalida, waana nin dad badani ku xusuustaan kaalinta uu ka soo qaatay kobcinta Fanka Soomaalida, taariikh-faneedka Sangub: Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub), wuxuu ku dhashay baadiyaha magaalada dhagaxbuur dhulka Is-maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, sannadkii 1944, halkaas oo uu ku barbaaray. Sangub markii da’diisu shan jir gaartay ayuu ku bilaabmay u hilowga fanka.

Dhalinyaranimadiisii, wuxuu ku soo caan baxay ciyaaraha dhaqanka, gaar ahaan ciyaarta “Dhaantada” oo ah mid markuu gacanta u qaado aan cidina uga daba dabadii yeerin. Kasokow dhinaca Ciyaaraha dhaqanka Sangub, wuxuu ahaa gabayaa ka hida qaba qoysas kala duwan wada gabya, aabihii, abtiyaashii iyo walaalihii intuba way gabyi jireen. Wakhtigiii hore ma jirin waxbarasho Jaamacadeed, iskuuladuna dalka way ku yaraayeen, sidaa darteed sangub wuxuu ku dadaalay inuu barto Quraanka Kariimka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

Abwaan Sangub, markii uu barbaar noqday ayuu ayuu yimid magaalada Hargeysa, sannadkii 1961, wuxuuna tegay Idaacadda Raadyow Hargeysa, Ka dib markii uu ka helay shaqo-aan-rasmi ahayn magaalada hargaysa ayuu waxa uu u wareegay magaalada Muqdisho sannadkii 1961, halkaas oo uu imtixaan u u galay, isaga iyo 21 qof oo kale , sidaas ayuuna kaga shaqo galay Idaacada Muqdisho.

Abwaanku, wuxuu noqday mid halis ku ah samaynta Riwaayadaha xiisaha leh, Guud ahaan, riwaayadihiisu, waxay u qaybsan yihiin Wadani, Jacayl iyo kuwo falsafad ku dhisan. Riwaayadii ugu horaysay ee uu sameeyay, waxaa la odhan jiray “Naga Guur” waxayna ahayd, mid Wadani ah oo uu ugu talo-galay gumaysigii Ingiriiska oo wakhtigaa Afrika inteeda badan Xukumi jiray. Sannadkii 1964-kii, ayuu sameeyay riwaayad la odhan jiray; “Lamood noqonse wayday.” Abwaan Sangub, halkaa kama harin abuurista riwaayadaha, wuxuuna xoojiyay mu’alifnimadiisii, sannadkii 1966, wuxuu sameeyay riwaayada caanka ah ee “Yaxaas dhega-duub.” Abwaan Sangub, mar la waydiiyay cidii ku dhiiri-gelisay samaynta riwaayadaha, wuxuu yidhi;

“Mu’alifiinta, qaarbaa bakhaylo ah oo aan sheegin cidii soo gacan qabatay, aniguse sidaa ma ihi oo waan sheegayaa, waayo, cidina kuma soo dhalan,” ayuu yidhi. “Riwaayadaha, waxaa igu dhiiri-geliyay Cismaan Aadan (Cismaan Askari) oo isagu aan iga harin ilaa aan ka sameeyay riwaayadihii; “lamood noqonse wayday iyo Naga Guur.” Iyo kuwa kale oo badan, Allaha u naxariisto Abwaan Sanugub.

Previous Post

Abwaan Maxamud Cabdulaahi Ciise (Sangub) oo geeriyooday

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In