Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taariikh Nololeed Marxuum Abwaan Sangub

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Taariikh Nololeed Marxuum Abwaan Sangub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taariikh Nololeed AHU Abwaan Sangub haddaan wax ka taa-taabano, Abwaanka Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Sangub), wuxuu ka mid ahaa Abwaanada ugu horeeya hal-abuurka Soomaalida, waana nin dad badani ku xusuustaan kaalinta uu ka soo qaatay kobcinta Fanka Soomaalida, taariikh-faneedka Sangub: Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub), wuxuu ku dhashay baadiyaha magaalada dhagaxbuur dhulka Is-maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, sannadkii 1944, halkaas oo uu ku barbaaray. Sangub markii da’diisu shan jir gaartay ayuu ku bilaabmay u hilowga fanka.

Dhalinyaranimadiisii, wuxuu ku soo caan baxay ciyaaraha dhaqanka, gaar ahaan ciyaarta “Dhaantada” oo ah mid markuu gacanta u qaado aan cidina uga daba dabadii yeerin. Kasokow dhinaca Ciyaaraha dhaqanka Sangub, wuxuu ahaa gabayaa ka hida qaba qoysas kala duwan wada gabya, aabihii, abtiyaashii iyo walaalihii intuba way gabyi jireen. Wakhtigiii hore ma jirin waxbarasho Jaamacadeed, iskuuladuna dalka way ku yaraayeen, sidaa darteed sangub wuxuu ku dadaalay inuu barto Quraanka Kariimka.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Abwaan Sangub, markii uu barbaar noqday ayuu ayuu yimid magaalada Hargeysa, sannadkii 1961, wuxuuna tegay Idaacadda Raadyow Hargeysa, Ka dib markii uu ka helay shaqo-aan-rasmi ahayn magaalada hargaysa ayuu waxa uu u wareegay magaalada Muqdisho sannadkii 1961, halkaas oo uu imtixaan u u galay, isaga iyo 21 qof oo kale , sidaas ayuuna kaga shaqo galay Idaacada Muqdisho.

Abwaanku, wuxuu noqday mid halis ku ah samaynta Riwaayadaha xiisaha leh, Guud ahaan, riwaayadihiisu, waxay u qaybsan yihiin Wadani, Jacayl iyo kuwo falsafad ku dhisan. Riwaayadii ugu horaysay ee uu sameeyay, waxaa la odhan jiray “Naga Guur” waxayna ahayd, mid Wadani ah oo uu ugu talo-galay gumaysigii Ingiriiska oo wakhtigaa Afrika inteeda badan Xukumi jiray. Sannadkii 1964-kii, ayuu sameeyay riwaayad la odhan jiray; “Lamood noqonse wayday.” Abwaan Sangub, halkaa kama harin abuurista riwaayadaha, wuxuuna xoojiyay mu’alifnimadiisii, sannadkii 1966, wuxuu sameeyay riwaayada caanka ah ee “Yaxaas dhega-duub.” Abwaan Sangub, mar la waydiiyay cidii ku dhiiri-gelisay samaynta riwaayadaha, wuxuu yidhi;

“Mu’alifiinta, qaarbaa bakhaylo ah oo aan sheegin cidii soo gacan qabatay, aniguse sidaa ma ihi oo waan sheegayaa, waayo, cidina kuma soo dhalan,” ayuu yidhi. “Riwaayadaha, waxaa igu dhiiri-geliyay Cismaan Aadan (Cismaan Askari) oo isagu aan iga harin ilaa aan ka sameeyay riwaayadihii; “lamood noqonse wayday iyo Naga Guur.” Iyo kuwa kale oo badan, Allaha u naxariisto Abwaan Sanugub.

Previous Post

Abwaan Maxamud Cabdulaahi Ciise (Sangub) oo geeriyooday

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In