Monday, June 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waa kuma Ciyaaryahan Saciid Ducaale?

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Waa kuma Ciyaaryahan Saciid Ducaale?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026

Tartamada Kubadda Cagta waxaa ay soo bilowdeen Soomaaliya intii aysan gobanimada qaadan ka hor sannaddadii kontomaadkii, waxayse waayadaa Soomaaliya horumar aad u wayn ay ka samaysay xagga k/cagta qaaradda afrika iyo Waddamada Carabta.

Waxaa kooxaha ugu caansanaa ee Africa iyo Carabta ka muuqday ka mid ahaa kooxdii Horseed, Jeenyo ama LLPP, Gaadiidka iyo Munacipio ama dowladda Hoose.

Ciyaartooy fara badan, ayaa ku soo caan baxay dhinaca kubadda Cagta, waxaana ka mid ahaa Ciyaartoyga lagu magacaabo Siciid Ducaalae oo taageerayaasha kolka uu soo galo garoonka ay ugu yeeri jireen maliku al-kurra, haatanna si aad ahi caan uga ah magaalada cadan ee dalka yemen.

Ducaale markiisii hore waxaa uu u ciyaari jiray kooxda booliiska, hase yeeshee kolkii laysu geeyay labadii kooxood booliska iyo ciidamada Xoogga Dalka ayaa magaca Horseedna loo bixiyey, isaga ayaa waxaa uu ka mid noqday ciyaartoydii nasiibka u yeelatay in ay matalaan kooxdaasi.

Siciid Ducaale waxaa uu ahaa nin la tirsado laadadka xorta ah kolka loo dhigo sida badan, waxay ahaayeen goolal, kubadda Iscuruuga ama jarriinka waxaa la dhihi karayaa waxaa uu ka mid ahaa ama uu ahaaba ninkii ugu horreeyay Soomaaliya kubadda jarriinka adeegsada inta badan marka uu laadayo laadadtka xorta ah, wuxuu kaloo ahaa weeraryahan celcelis ah oo daran, horseed waxaa uu u qaaday horyaallo iyo koobab fara badan.

Waxaa kaloo ay soo qaadeen xilligii uu u ciyaarayey koobkii SECAFA ama xulalka bariga iyo bartamaha afrika, waxaa uu ahaa nin ay aad u dhibsan jireen kooxaha Abaluya iyo Gurmahiya ee dalka Kenya.

Burburkii Dalka kadub waxa uu Ducaale waxaa kaloo uu hore ugu soo ciyaaray kooxda Zamaalik ee dalka Masar, in kastoo ay gaabnayd muddada uu u ciyaarayay, waxaa kaloo uu u soo ciyaaray kooxda al-wixda ee dalka Imaaraadka, ugu dambayntii wxaa uu ka mid noqday ciyaartoyda kooxda Al-Telaal ee dalka Yemen, taasoo uu u qaaday horyaallo iyo koobka koonfurta dalka Yemen, sidoo kale waxaa uu ka mid noqdey xulka Yementa koonfureed muddo fara badan kadibna wuu ka fariistay ciyaaraha.

waxaa kaloo soo noqday Tababare ama macallin maaddada xagga dhismaha jirka dugsi sare oo ku yaalla magaalada cadan,waxaa kaloo tababare u kooxda al-tellaal oo ka mid ah kooxaha ugu faca wayn dalka yemen ,waxaana la asaasay naadigaasi sannadkii 1905-kii.

Siciid Ducaale waagii uu u ciyaarayay Horseed waxaa uu ku caan baxay degenaan, dabci wanaagsan iyo farsamo kubbadeed oo aad u sarreysa, haatanna waxaa uu ku nool yahay magaalada Doha ee Dalka Qadar, isagoo dhul yaal ah, waxaana Ummadda Soomaaliyeed ka codnayaa inay duceeyaan Ciyaartoogaasi Soomaaliya guulo badan gaarsiiyay, wuxuu haatan u baahan yahay Ducadiinna.
Sawirkan dambe waa Saciid Ducaale iyo Saaxiibkiis Xasan Cafiif oo ay Kooxda Horseed iyo Qaranka Soomaaliyeedba u soo wada ciyaareen.

W.D. C/lahi Ruush

xigasho: SONNA

SHARE
Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya Kulan-kooda koowaad ee Kalfadhiga 5aad

Next Post
Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya Kulan-kooda koowaad ee Kalfadhiga 5aad

Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya Kulan-kooda koowaad ee Kalfadhiga 5aad

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In