Tababar u socdey muddo laba maalmood ah ayaa lagu soo gabagabeeye magaalada xuddur ee xaruunta Gobolka Bakool kaas oo loo qabtey maamulada degmooyika gobolka, waxana tababarkani isla kaashanayey Wasaaradda arrimada gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasaarada arrimaha gudaha ee Maamulka Koonfurgalbeed iyo hay’adda UNDP.
Tababarka ayaa ku saabsanaa maamul wanaaga iyo sidii loo dar dargelin lahaa adeegyada ay u hayaan bulshada ku dhaqan degmooyinka Gobolka Bakool.
Tabbarka ayaa ah kii ugu horeysya oo noocaan ah ee loo qabto maamulada degmooyinka Gobolka, kaasi oo lagu qabtay xarunta degmada Xuddur.