Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar la xiriira habraaca Saxaafadda ee tebinta tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga oo lagu qabtay Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Tababar la xiriira habraaca Saxaafadda ee tebinta tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga oo lagu qabtay Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo tababar socdey labo maalmood oo ku saabsan habraaca saxaafadda ee loo tabiyo tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga, kaas oo loo qabtay 50 saxafi.

Tababarkaan oo ah wajigii labaad ayaa waxaa soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, kaasi oo u jeedkiisuna ahaa sidii suxufiyiinta loo bari lahaa habraaca saxaafadeed ee tabinta tacadiyada Jinsiga la xiriira. Wajigii koowaad ee tababarkan waxaa la qabtay sanadkii hore 2020.

Related posts

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026

Madaxa Qeybta Qorsheynta Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Mudane Bakar Asta Rufaci, ayaa sheegay in tababarkan ay muhiimad gaar ah u leedahay Wasaaradda, sidoo kale ay kor u qaadeyso xirfadda hab tebinta wariyaha ee ku saabsan kiisaska ku saleysan tacadiyada jinsiga. Waxa uu mudanaha intaas ku daray in tababarada noocaan ah ay Wasaaraduu ku qaban doonto meelo kala duwan si suxufiyiinta loo baro habraaca saxaafadeed ee tabinta xadgudubyada la xiriira Jinsiga.

Tababarka waxaa iska kaashaday Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hey’adda UNPFA, iyadoo khabiir saxaafadeed oo ka socda ururka saxafiyiinta NUSOJ uu bixinayay casharada.

Ugu dambeyn Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Aadan Maxamed oo soo xirey tababarka ayaa tilmaamay in suxufiyiinta muhiimad gaar ah uu u leeyahay tababarka, waxaana uu kula dar daarmay inay dhaqan geliyaan casharada la baray.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo shir guddoominayay kulanka Golaha Wasiirada oo looga hadlayay Amniga “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qabatay kulan farsameedka Daneeyayaasha ee Horumarinta Qorshaha Qaran ee Baabi’inta Jinsiyad la’aanta “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qabatay kulan farsameedka Daneeyayaasha ee Horumarinta Qorshaha Qaran ee Baabi’inta Jinsiyad la’aanta “SAWIRRO”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qabatay kulan farsameedka Daneeyayaasha ee Horumarinta Qorshaha Qaran ee Baabi’inta Jinsiyad la'aanta "SAWIRRO"

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In