Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar lagu baranayo Garaacista Miyuusiga oo loo furay Maxaabiista Xabsiga dhexe ku xiran iyo qaar kamid ah Ciidamada qalabka sida “Sawirro”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Tababar lagu baranayo Garaacista Miyuusiga oo loo furay Maxaabiista Xabsiga dhexe ku xiran iyo qaar kamid ah Ciidamada qalabka sida “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munasabadaan oo ay soo qaban qaabiyeen Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Taliyeyaasha Ciidamada qalabka Sida iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ahaa mid tababar loogu furayey qaar kamid ah Ciidamada qalabka sida iyo  Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran, kuwaasi oo la barayo  xirfadda garaacista noocyada kala duwan ee Miyuusiga.

Si loo soo saaro Dhalinyaro ka qeyb qaadata Wacyi-gelinta Bulshadda, Xirfadda garaacista Miyuusiga ayaa waxaa la barayaa 150 maxaabiista ku jirta xabsiga dhaxe ee Xamar iyo 150 Askari oo  kala socda Ciidamada qalabka  sida oo isugu jira Xoogga dalka, Booliska iyo Ciidanka Asluubta, iyaddoo tababarkaasi ay bixin doonan Macalimiin isugu jira Soomaali iyo ajaanib.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ugu horeyn Munaasabadda daahfurka tababarka munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Abwaan Cabdiqaadir Shube, waxaana uu  sheegay in loo baahanyahay in dhalinyaradda in ay ka qeyb qaataan wacyi gelinta Bulshadda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Dahir Aadan Cilmi “Indha-qarshe  ayaa Ku booriyey dhalinyaradda tababarka qaadanaya in ay ka faa’ideystaan darruusta la siinayo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed  jaamac ayaa  Sheegay in dhalinyaradda maxaabista ku jirta xabsiga dhaxe ay helaan waxbarsho,  Xanaano iyo barista xirfadaha, si ay aqoonta ay barteen uga faa’iideyaan dadka kale.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir oo gabogabada hadlay ayaa ka hadlay ahmiyadda uu leeyahay tababarkaan,  isaggoo si rasmi ah u daahfuray tababarka maanta loo furay Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran iyo qaar kamid ah Ciimadamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Previous Post

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maanta ka qeyb qaatay Mashruuca Isxilqaan

Next Post

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo magaaladda Qaahira kula kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Waxbarashadda XFS oo magaaladda Qaahira kula kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta “Sawirro”

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo magaaladda Qaahira kula kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta “Sawirro”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In