Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababarka Safiirada Cusub iyo Saraakiisha Diblomaasiyadeed oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Tababarka Safiirada Cusub iyo Saraakiisha Diblomaasiyadeed oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo uu Wehliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cali Balcad, ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay tababarka diblomaasiyadda ee loogu talagalay Safiirada cusub iyo saraakiisha diblomaasiyadeed.

Barnaamijkan, oo ay ka qeyb galeen 12 Safiir iyo 21 sarkaal oo diblomaasiyadeed, ayaa lagu soo gabagabeeyay bixinta Shahaadooyinka Tababarka Hab Maamuuska iyo Diblomaasiyadda.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Munaasabaddan waxaa marti sharaf ku ahaa Senataro iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, taas oo muujisay muhiimadda xafladdan.

Danjire Fiqi ayaa ammaanay dadaalka mugga leh ee uu sameeyay Machadka Tababarada iyo Diblomaasiyadda ee WAD&IC, iyaga oo soo saaray hoggaamiyayaal diblomaasiyadeed oo cusub. Wuxuu adkeeyay doorka muhiimka ah ee ay safiirada iyo saraakiisha cusub ka qaadan doonaan kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee caalamka. Danjire Fiqi ayaa kalsooni ku muujiyay in ka-qaybgalayaasha tababarku ay ilaalin doonaan heerarka ugu sarreeya ee xirfadda oo ay Soomaaliya si sharaf leh ugu matali doonaan masraxyada caalamiga ah. Wasiiru Dowlaha Cali Cumar ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen ka qaybgalayaashu sida ay uga go’an tahay inay sare u qaadaan xirfadahooda diblomaasiyadeed.

Danjire Cabdulqaadir Aamin, Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, ayaa tilmaamay in tababarku uu daboolay meelo muhiim ah sida diblomaasiyadda,ย  juqraafi-siyaasadeedka, iyo aragtida siyaasadda iyo sida loogu dabaqo xaaladaha caalamiga ah. Barnaamijkan wuxuu kaloo ka koobnaa maadooyin gaar ah oo ku saabsan farsamooyinka wadaxaajoodka iyo maaraynta dhibaatooyinka. Danjire Aamin ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonta iyo xirfadaha ay ka heleen barnaamijkan ay si weyn u kordhin doonaan waxtarka ka-qaybgalayaasha ee doorkooda diblomaasiyadeed.

Previous Post

Taliyaha Booliska oo la kulmay Safiirka Sacuudiga

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo kulamo la qaadatay dhiggeeda dalalka Sacuudi iyo Kuwait

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo kulamo la qaadatay dhiggeeda dalalka Sacuudi iyo Kuwait

Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo kulamo la qaadatay dhiggeeda dalalka Sacuudi iyo Kuwait

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In