Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababarka Safiirada Cusub iyo Saraakiisha Diblomaasiyadeed oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Tababarka Safiirada Cusub iyo Saraakiisha Diblomaasiyadeed oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo uu Wehliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cali Balcad, ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay tababarka diblomaasiyadda ee loogu talagalay Safiirada cusub iyo saraakiisha diblomaasiyadeed.

Barnaamijkan, oo ay ka qeyb galeen 12 Safiir iyo 21 sarkaal oo diblomaasiyadeed, ayaa lagu soo gabagabeeyay bixinta Shahaadooyinka Tababarka Hab Maamuuska iyo Diblomaasiyadda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Munaasabaddan waxaa marti sharaf ku ahaa Senataro iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, taas oo muujisay muhiimadda xafladdan.

Danjire Fiqi ayaa ammaanay dadaalka mugga leh ee uu sameeyay Machadka Tababarada iyo Diblomaasiyadda ee WAD&IC, iyaga oo soo saaray hoggaamiyayaal diblomaasiyadeed oo cusub. Wuxuu adkeeyay doorka muhiimka ah ee ay safiirada iyo saraakiisha cusub ka qaadan doonaan kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee caalamka. Danjire Fiqi ayaa kalsooni ku muujiyay in ka-qaybgalayaasha tababarku ay ilaalin doonaan heerarka ugu sarreeya ee xirfadda oo ay Soomaaliya si sharaf leh ugu matali doonaan masraxyada caalamiga ah. Wasiiru Dowlaha Cali Cumar ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen ka qaybgalayaashu sida ay uga go’an tahay inay sare u qaadaan xirfadahooda diblomaasiyadeed.

Danjire Cabdulqaadir Aamin, Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, ayaa tilmaamay in tababarku uu daboolay meelo muhiim ah sida diblomaasiyadda,  juqraafi-siyaasadeedka, iyo aragtida siyaasadda iyo sida loogu dabaqo xaaladaha caalamiga ah. Barnaamijkan wuxuu kaloo ka koobnaa maadooyin gaar ah oo ku saabsan farsamooyinka wadaxaajoodka iyo maaraynta dhibaatooyinka. Danjire Aamin ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonta iyo xirfadaha ay ka heleen barnaamijkan ay si weyn u kordhin doonaan waxtarka ka-qaybgalayaasha ee doorkooda diblomaasiyadeed.

Previous Post

Taliyaha Booliska oo la kulmay Safiirka Sacuudiga

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo kulamo la qaadatay dhiggeeda dalalka Sacuudi iyo Kuwait

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo kulamo la qaadatay dhiggeeda dalalka Sacuudi iyo Kuwait

Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo kulamo la qaadatay dhiggeeda dalalka Sacuudi iyo Kuwait

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In