Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudang Qaasin Shiiq-doon Cali ayaa ku wareejiyay Saraakiisha Amniga Maamulka Puntland Gaari Dhawaan laga soo dhacay deegannada Maamulka Puntland, kaas oo lagu heystay deegannada Dowlad Goboleedka Galmudug.
Goobta lugu wareejinayay Gaarigaan ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Mudane Cabdirahman Sheekh Xasan iyo Dhigiisa Puntland Mudane Maxamuud Cabdi Nuur, Saraakiil Ciidan oo kawada tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland.
Madaxda labada Maamul ayaa ciidamada amniga uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysteen soo qabashada gaariga.