Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo soo bandhigay burcad hubaysan oo dhibaato ka gaystay Degmada Dayniile

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo soo bandhigay burcad hubaysan oo dhibaato ka gaystay Degmada Dayniile
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay burcad hubeysan iyo hubkii ay wateen oo ciidamada boolisku ay gacanta ku soo dhigeen xilli ay maanta falal amni darro ah ka geysteen degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliska oo ka jawaabayay cabashada shacabka Degmada Deyniile ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan 10 qof oo 8 ka mid ah ay yihiin AK47, hal PKM ah iyo qori kale, taasi oo wadarta guud ka dhigeysa toban qori oo nuuca fudud ah.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026

Ku xigeenka Afhayeenka Booliska Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay ku guuleysteen abaaro 5:00 pm galabnimo in gacanta lagu soo dhigay burcad hubeysan oo falal dhac iyo dil ka geystay degmada Deyniile, kuwaasi oo uu xusay in la horgeyn doono Maxkamadda, si loo marsiiyo xukunka ay muteystaan, isagoo xusay in ciidanka boolisku ay har iyo habeen u taaganyihiin sidii loo ilaalin lahaa hantida iyo sharafka bulshada Soomaaliyeed.

“Saaka abaaro 7:50 daqiiqo waxaa shaqaaqo ka dhacday Isgoyska Ex-koontarool Afgooye, gaar ahaan dhinaca Deyniile, is rasaaseyntaas oo dhexmartay maleeshiyaad qowleysato ah oo ku dhaqanaa eeriyada deegaanka, kuwaasi oo u soo shaqo tegey inay dhacaan hantida iyo maalka ummadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku ganacsata, markii ay dhicii iyo wixii kale ay bilaabeen ay iyaga dhexdooda ka tafatay oo iyaga isku bilaabay israsaaseyn halkaasi oo ay ku dhinteen dad rayid ah oo tiradoodu gaareyso afar qof iyo saddex qof oo dhaawac ah”. Ayuu yiri ku xigeenka Afhayeenka Booliska.

 

 

 

 

 

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooynka Heer Federaal oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post

Habraaca Xallinta Khilaafaadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la soo saaray

Next Post
Habraaca Xallinta Khilaafaadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la soo saaray

Habraaca Xallinta Khilaafaadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la soo saaray

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In