Friday, March 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo soo bandhigay burcad hubaysan oo dhibaato ka gaystay Degmada Dayniile

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo soo bandhigay burcad hubaysan oo dhibaato ka gaystay Degmada Dayniile
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay burcad hubeysan iyo hubkii ay wateen oo ciidamada boolisku ay gacanta ku soo dhigeen xilli ay maanta falal amni darro ah ka geysteen degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliska oo ka jawaabayay cabashada shacabka Degmada Deyniile ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan 10 qof oo 8 ka mid ah ay yihiin AK47, hal PKM ah iyo qori kale, taasi oo wadarta guud ka dhigeysa toban qori oo nuuca fudud ah.

Related posts

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 6, 2026
Madaxweyne Xasan  Sheekh oo xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ku maamuusay kulan afur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ku maamuusay kulan afur

March 5, 2026

Ku xigeenka Afhayeenka Booliska Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay ku guuleysteen abaaro 5:00 pm galabnimo in gacanta lagu soo dhigay burcad hubeysan oo falal dhac iyo dil ka geystay degmada Deyniile, kuwaasi oo uu xusay in la horgeyn doono Maxkamadda, si loo marsiiyo xukunka ay muteystaan, isagoo xusay in ciidanka boolisku ay har iyo habeen u taaganyihiin sidii loo ilaalin lahaa hantida iyo sharafka bulshada Soomaaliyeed.

“Saaka abaaro 7:50 daqiiqo waxaa shaqaaqo ka dhacday Isgoyska Ex-koontarool Afgooye, gaar ahaan dhinaca Deyniile, is rasaaseyntaas oo dhexmartay maleeshiyaad qowleysato ah oo ku dhaqanaa eeriyada deegaanka, kuwaasi oo u soo shaqo tegey inay dhacaan hantida iyo maalka ummadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku ganacsata, markii ay dhicii iyo wixii kale ay bilaabeen ay iyaga dhexdooda ka tafatay oo iyaga isku bilaabay israsaaseyn halkaasi oo ay ku dhinteen dad rayid ah oo tiradoodu gaareyso afar qof iyo saddex qof oo dhaawac ah”. Ayuu yiri ku xigeenka Afhayeenka Booliska.

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooynka Heer Federaal oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post

Habraaca Xallinta Khilaafaadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la soo saaray

Next Post
Habraaca Xallinta Khilaafaadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la soo saaray

Habraaca Xallinta Khilaafaadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la soo saaray

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 6, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan  Sheekh oo xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ku maamuusay kulan afur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ku maamuusay kulan afur

March 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan af-fur ah ku maamuusay, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 5, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

March 5, 2026
0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qeyb galay kulan afur ah oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In