Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska booliska oo faah faahin ka bixiyay howlgallo lagu soo qabtay Al-Shabaab “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Taliska booliska oo faah faahin ka bixiyay howlgallo lagu soo qabtay Al-Shabaab “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay xarunta Taliska ciidanka booliska ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay saddexdii maalin ee la soo dhaafay caasimadda ka sameeyeen howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Saddexdii maalin ee la soo dhaafay ciidamada booliska waxa ay caasimadda ka wadeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, kuwaasi oo laga fuliyay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, waana howlgallo sii socon doono, intii howlgalladan socdeen waxaa lagu soo qabtay dad looga shakisanyahay inay la shaqeyaan argagixisada”Ayay tiri Zakiya oo hadalkeeda ku dartay in ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigeen dhagar qabe ka tirsan Al-Shabaab oo dil u geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa tilmaamtay in howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ay qeyb ka tahay qorshe balaaran oo lagu sugayo amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

“Ciidamada howlgallada ka wada caasimadda waxaa la faray inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed oo ah kuwa ay u taaganyihiin sugidda ammaankooda, waxaana shacabka uga mahadcelineynaa dulqaadka ay muujiyeen” ayay tiri Zakiya.

Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa ka tacsiyadeysay dil maanta Muqdisho loogu geystay mid ka mid ah wadayaasha mootada Bajaajta loo yaqaan oo askari ka tirsan ciidanka minishiiibiyada uu ku dilay Muqdisho, waxaana ay intaa ku dartay in maxkamad lala tiigsan doono askariga falka dilka ah geystay.

Previous Post

Ciidanka Xoogga oo la wareegay deegaanka Sabiib ee G/SH/Hoose

Next Post

Wasiirka Difaaca ee dalka oo la kulmay saraakiil ka socotay Midowga Yurub “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Difaaca ee dalka oo la kulmay saraakiil ka socotay Midowga Yurub “SAWIRRO”

Wasiirka Difaaca ee dalka oo la kulmay saraakiil ka socotay Midowga Yurub "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In