Taliska Boliiska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay raashin dhacay oo lagu iibinayay bakhaar ku yaalla suuqa Bakaaraha.
Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Mudane Sadiiq Aadan Doodishe oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku hayaan raggii ka ganacsanayay raashinka dhacay, isagoo uga digay ganacsatada qaar inay bulshada ka iibiyaan raashin dhacay.
“Cabasho ka timid shacabka oo ahayd in Bakhaarka lagu iibiyo raashin dhacay ayay ciidamada amaanka durba ka jawaabeen, waana lagu guulaystay in gacanta lagu dhigo dadkii bakhaarka ku iibinayay raashinka dhacay, waxaana la marsiin doono sharciga”. Ayuu yiri Afhayeenka Booliska.
Afhayeenka ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan ciidamada.