Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska ciidanka Asluubta oo qalab xafiiseed ku wareejiyay Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Taliska ciidanka Asluubta oo qalab xafiiseed ku wareejiyay Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta qalab xafiiseed ay soo saareen Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ku wareejiyey wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Halkaan waa Warshadaha soo saara Qalabka Xafiisyada, Guryaha, warshadda Alimuniam-ka, Qeybta Farshaxanka iyo warsahadda soo saarta Dharka ciidanka Asluubta oo uu sito taliyaha guud ee ciidanka, kuwa Maxabiistuna halkaan  lagu soo saaraa, warshadaha ayaa   ku yaalla xarunta Taliska guud ee ciidanka Alsuubta, waxaana farsama-yaqaano ka ah Maxabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Cabdulle Xuseen Faarax waxa uu ka mid yahay Maxabiista  Xirfadaha kala duwan ku bartay Xabsiga Dhexe ayaa carrabka ayuu ku dhuftey in uu ka faa’iidey Xabsiga Xirfad uu ku shaqeysan karo, haddii uu dhammeysto mudada lagu xukumay.

Taliyaha ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac oo ay xarunta taliska ku soo booqdeen sii hayaha xilka wasiirka Warfaafinta, ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda, agaasimeyaasha SNTV iyo RM ayeey wada qaataan kulan ay uga hadlayeen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac ka dhaxaysa.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa yiri “ in Qalab xafiiskeedkaan ay wareejiyaan u jeedada ka dambeysa  ay tahay howlaha adag ee ay wasaaradda Warfaafintu u heyso Qaranka,  ayna sii wadi doonaan tan oo kale”.

Sii hayaha wasiirka Warfaafinta ahna wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis, ayaa uga mahadceliyey taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sida ay u soo hindiseen Qalabka loogu talogalay shaqooyinka Wasaaradda gaar ahaan Warbaahinta dowladda.

Maxabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar si ay u noqdaan dad wax soo saar leh taliska ayaa hirgeliyey adeegyada aas-aasiga u ah sida Biyo Nadiif ah, Waxbarasho dhowr qeybood ah oo ay farsamada gacanta ka mid tahay, iyadoo taliyuhu uu ballan ku qaadey in Gunnooyin la siin doono Maxabiista Farsamada gacanta ka shaqeysa.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir+Sawirro

Next Post

Dawladda Hoose ee Muqdisho oo maanta furtay tartan Qandaraas oo lagu dayactiraayo ilaa 6 xafiisyo ee Degmooyinka Gobolka Benaadir+Sawirro

Next Post
Dawladda Hoose ee Muqdisho oo maanta furtay tartan Qandaraas oo lagu dayactiraayo ilaa 6 xafiisyo ee Degmooyinka Gobolka Benaadir+Sawirro

Dawladda Hoose ee Muqdisho oo maanta furtay tartan Qandaraas oo lagu dayactiraayo ilaa 6 xafiisyo ee Degmooyinka Gobolka Benaadir+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In