Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska ciidanka Asluubta oo shir muhiim ah uga qeyb galay Nairobi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Taliska ciidanka Asluubta oo shir muhiim ah uga qeyb galay Nairobi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo  laabtay safar shaqo oo ay ku tageen dalka Qatar, ayaa maanta gaaray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaasi oo ay uga qeyb galeen Shir looga hadlayey arrimaha Xabsiyadda Soomaaliya, kaasi oo ay kasoo qeyb galeen Madax kale duwan oo Beesha Caalamka ka socda.

Shirkaan ayaa looga hadlay siddii loo sameyn lahaa tababar ku saabsan wada shaqeynta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Garsoorka dalka ee ku saabsan xarunta Xabsiga cusub iyo Maxkmaddaha  ee (MPCC) oo ku yaala KM 7 ee Magaaladda Muqdisho, kaasi oo dhismahiisa hadda uu marayo meel gabo gabo ah, waxaana Xabsigaan uu u dhisan yahay si Caalami ah oo la mida Xabsiyadda Wadamada Horumaray oo kale, waxaana dhismahiisa dhismaha Xabsiga iyo Maxkmaddaha uu biloowday 2016 Xilligaasi oo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu ahaa S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026

Shirkaan ka dhacay Magaalada Nairobi ee arrimaha Xabsiyada Soomaaliya looga hadlayo ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay marka laga soo tago Wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Guddoomiyaha Maxkamada sare dalka,  Wasiirka Garsoorka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Madax kale.

“Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta soo gaaray, waxaa halkaas uga qeyb galay shir looga hadlayo  siddii loo sameyn lahaa tababar ku saabsan wada shaqeynta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Garsoorka dalka ee xarunta Xabsiga cusub iyo Maxkmaddaha  ee (MPCC) oo ku yaala KM 7,  Shirkaan, waxaa igu wehliya Guddoomiyaha Maxkamada sare, Wasiirka Garsoorka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Madax kale” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray xeryo ciidan oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye Yarisow “Maamulka Gobolka Benaadir waxaa ka go’an horumarinta Naafada

Next Post
Guddoomiye Yarisow “Maamulka Gobolka Benaadir waxaa ka go’an horumarinta Naafada

Guddoomiye Yarisow “Maamulka Gobolka Benaadir waxaa ka go’an horumarinta Naafada

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Hassan, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda,...

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In