Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska ciidanka Booliska oo soo bandhigay rag loo haysto in falal burcadnimo ay ka geysanayeen Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Taliska ciidanka Booliska oo soo bandhigay rag loo haysto in falal burcadnimo ay ka geysanayeen Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgallo burcad sifeyn ah oo ay ciidanka booliska ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir lagu soo qabtay rag gacanta kula jiray falal burcad badeednimo ah, kuwaasi oo dhac u geysanayay shacabka Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in howlgallo amni xaqiijin ah oo ay ciidanka booliska ka sameeyeen xaafado ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo ilaa iyo lix dhallinyaro ah oo ku eedeysan falal dhac ah oo loo geystay dad rayid ah.

Related posts

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026

“27-ka bisha June 2021 ayaa burcad wadata Mooto Bajaaj waxa ay soona tarabuun dhac ugu geysteen Muwaadin Soomaaliyeed, muwaadinka waxa uu ashtakadiisa ku soo gudbisaday Nambarka gaaban ee ay ciidanka boolisku isticmaalaan ee 991, waxaana ay ciidanka booliska oo howlgallo sameeyay ay durba gacanta ku soo dhigeen burcaddii iyo caddeymihii ay wateen”. Ayuu yiri Afhayeenka ciidanka booliska.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa ku daray “29-ka June burcad kale ayaa waxa ay dhac ugu geysteen qof muwaadin ah Irridda Isbitaal Shaafi ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo muwaadinkii dhac loogu geystay uu ashtakadiisa ku soo gudbistay nambarka gaaban ee 991, isla markaana ay ciidanka gacanta ku soo dhigeen eedeysanihii, mooto Bajaajtii uu watay iyo caddeymihii uu qaatay, shalay labo dhallinyaro ah oo ku hubeysan bastoolad, waxa ay dhac u geysteen Carwo lagu gado Moobeelada oo la yiraado carwo Kaah, kuwaasi oo goobta ka qaatay 19 teleefon oo 15 ka mid ah ay yihiin iPhone, iskaashi dhex maray booliska iyo shacabka, lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo mid ka mid ah eedeysana oo ahaa kii dhibanaha ku qabtay Bustooladda, halka kan kalena lagu raadjoogo oo saacadaha soo aadan gacanta lagu soo dhigi doono”.

Afhayeenka ciidanka booliska ayaa xusay in burcad maanta dhac ka geysatay maqaayada Ceynu Shamsi ee ku taala Isgoyska Al-baraka lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo, isagoo intaa ku daray in dhamaan eedeysanayaasha lagu soo qabtay falalka  burcadnimada loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo sharciga, isla markaana muwaadiniinta hantida laga dhacay ay u soo doonaan Saldhigga laga diiwaangeliyay marka uu xakunka kiiska dhaco. 

Previous Post

Fursado shaqo oo ka banaan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Next Post

Xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo caawa ka socoto Muqdisho iyo Gobollada dalka “SAWIRRO”

Next Post
Xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo caawa ka socoto Muqdisho iyo Gobollada dalka “SAWIRRO”

Xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo caawa ka socoto Muqdisho iyo Gobollada dalka “SAWIRRO”

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026
0

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo oo laga gaaray horumarinta...

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta, iyadoo hawlgallo qorsheysan oo ay fuliyeen ciidammada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In